Ha Degdegina W/Q:- Mohammed Yousuf Abdi

Qoraalkani wuxuu dabasocdaa qoraal hore oo uu qoray ex Ambassador Kaysar Abdillahi oo uu tusmo uga dhigay Ha Degdegina.Wuxuu ku bilaabay ammaan uu ku hamsiiyay Guddomiyaha maxkamadda sare.Haddii qof masuull ah la ammaano oo lagaaga aqoon badan yahay waa in aad rumaysataa haddii aanad hayn wax aad ku deedafayso.

Anuu guddooiyaha ma aqaan laakiin haddaan ka shidaal qaato muddadii uu xilka hayay dhacdooyinkii soo maray uma hayo wax ceeb ah.Ambaasadorkuna wuu ku mahadsanyahay inuu erey dhiirigelin ah ku xusso Guddoomiyaha.Wuxuuse kala dabayimi talooyin aan is idhi malaa waa siddi uu jeclaa in guddoomiyuhu udhaqmo.Wuxuu sheegay in aanu guddoomiyuhu ku dhegabarjoobin todobaatan jirro aan mustaqbal badani uhadhin, isagoo ula jeeda muwaadiniin arji sharci ah ula tegey guddoomiyaha iyagoo ka dalbaday in ururrada la furo.

Dadkaa uu sheegay inaan mustaqbal u hadhin waxa ku jira birma geydo dalkan wanaaggiisa jecel oo aan mustaqbal shakhsi ah ka doonayn.Waxa ku jira kuwii SNM assaasay 40 sannadood ka hor illaa maalintaa illaa maantana aan wax dheef ah ka doonin oon ka ahayn Somaliland wanaaggeeda.Maantana wanaaggeeda un jecel.

Kuwii SNM sameeyay biibito ma furan karaan waa aflagaaddo loola badheedhay inta abaalka u haysa halyayadaas.

Wuxuu kasii hordhacay go’aanka ay maxkamaddu soo saaridoonto oo u sheegay in haddii guddoomiyuhu go’aannada qaarkood soo saaro in ay horseedi karaan qas iyo qalalaase aanu dalkeennu qaadi Karin.

Waxan u fasirtay inuu jecel yahay inaan ururrada la furin waase arrin dastuurka ku xusan gunteedana laga sugayo maxkamddii dastuuriga ahayd ee u xilsarrayd ka garnaqqa murannada dastuuriga ah.Wuxuu sheegay inaan cidi diidanayn in ururada la furo laakiin doorashada madaxtooyadu kasoo horrayso ta ururrada.

Inakstoo aan jecelahay in aynu go’aanka maxkamadda la sugno sida wax u dhacayaan haddana anigu waxaan aaminsnahay in mar haddii ururru la furo aan doorasho la gelikarin illaa ay ururradu kala baxaan oo sedex xisbi oo tartamaa soo baxaan.

Distoorkeennu wuxuu qorayaa indawladnimadeennu ka koobnaato xisbul xaakim iyo laba xisbi mucaarid. Haddii ururrada la furo oo iyadoo ururro jiran haddana sedexda xisbi ee imika jiraa ay doorasho galaan oo mid ku guulaysto bil ka dibna uu xisbigii guulaystay doorashada ku udhaco yaa xisbil xaakim noqonaya ? Haddii Madaxweynaha soo baxaa bilaa xisbi noqdo axzaabta kalena ay diidaan inuu ku biro illayn waa kala aragtiye muxuu noqonayaa xaalka Madaxeynuhu ?

 

Mohammed Yousuf Abdi

Saudi Arabia.