Maayirka Caasimada Hargeisa Ayaa Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Djibouti.

Djabuti(GNN):-Maayirka Caasimada Hargeisa Mudane C,kariin Axmed Mooge oo ay Weheliyaan mudanayaal kale oo ka tirsan golaha deegaanka caasimada hargeisa ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey dalka djibouti magaalo madaxda caasimada jabuuti,

waxaana safarkaasi markii ay gaadheen magaalada jabuuti bartiisa facebook qoraal kooban kula wadaagay bulshada maayirka caasimada hargeisa C,kariin Axmed Mooge.

Hargeysa iyo Jabouti dadkoodu waa walaalo, waana ii sharaf in Maayaradda Jabouti, marwo Fadumo Cawaale Cismaan, in ay nagu soo dhawayso Jabouti, aniga iyo xubnaha Golaha Deegaanka Hargeysa ee booqashada igu weheliya. Sida dadka reer Somaliland iyo reer Djabouti isagu dhawyihiin ayaan labada Caasimaddoodna isagu soo dhawaynaynaa.