Qaar Kamida Mudaneyaasha Golaha Deegaanka Gabiley, oo Kormeeray Mashaariico Qaybo Kamid ah La Musuqmaasuqay.

Gabiley(GNN):- Badi Xildhibaanada Golaha Deegaanka degmada Gabiley oo muddooyinkii u danbeeyey uu jiray khilaaf dhinaca shaqada ah oo u dhexeeya iyaga iyo Maayirka Degmada gabiley, oo marar badan ay ku eedeeyeen in Maayirka Degmada gabiley uu ku kacay lunsi hanti qaran iyo Sharci jabin uu ka talaabsaday xeer hoosaadkii golaha iyo kii shaqada goleyaasha deegaankaba,

Ayaa Waxaa ay maanta xildhibaanadani kormeero kala duwan kusoo sameeyeen deegaano kala duwan oo laga hirgalinayey mashaariico ku jiray miisaaniyada sanakii dhammaaday ee 2021 kuwaas oo dhaqaalihii loo qorsheeyeyna uu ka baxay qasnada dawlada hoose, balse mashaariicahii qaar badan oo kamid ahna uu lunsaday maayirka degmada gabiley.

Xildhibaanadan oo kormeerkii kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhismaayasha wadooyin, iskuulo iyo garoomo ay ahayd in lagu fuliyo lacagtaa qasnada ka baxday oo ah cashuurtii laga ururiyey shacabka aaney ilaa hadda garaneyn meel ay ku dhacay, sidoo kalena aan lagu qaban mashaaricihii loo qorsheeyey, waxaana ay maayirka degmada gabiley Mr Maxamed Amiin Cumar Cabdi ku eedeeyeen in lacagahaas oo qiyaastii dhan ilaa dhawr iyo toban milyan ay isaga jeebada ugu dhacday lunsadayna, taasina ay sababtay waxaa inta badan soo cel celiya, muranka iyo qaylada kasoo yeedhaysa golaha deegaanka Degmada gabiley.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka  Warka Xildhibaanadaasi.