Ciidmada Qaranka JSL In La Siyaasadeeyo Ma Gayaan.

Hargaysa(GNN):-Bulsho kasta oo caalamka ku nool waxa ay sharaf iyo haybad ku leedahay ciidamadooda kala kuwan oo wadan kasta uu leeyahay kuwaasi oo ay kalsooni buuxda ku qabaan amaankooda, iilaalinta hadintooda, sharaftooda iyo kala dambaynta haykalka dawladnimo oo ay saamayn balaadha ciidamadu ku leeyihiin.

Sidarteed bulshada reer somaliland waa kuwa lamida bulshooyinka calamka ku nool oo jacaylka ay ciidamadooda u qabaana uu yahay mid aan la soo koobi karin.

Hadaba laf-dhabarta ciidamadu waa ciidanka qaranka jamuuriyadda somaliland (Somaliland National Milatry) waa kuwa ay bulshadu kalsooni badan ku qabto hadh iyo habeenba og shaqada balaadhan ee ay u hayaan bulshadooda kuwaasi oo mar walba ka foojingan wax kasta oo shacabka somaliland dhibaato u keeni kara.

Ciidanka qaranka Somaliland oo marxalado kala duwan soo maray ayaa hada lagu tilmaamaa in uu yahay ciidamada ugu wanagsan man-daqada geeska hadii ay tahay hab-dhaqanka bulshada, dariswanaaga wadamada xuduudka inala wadaaga, tayadooda tobobarnimo iyo daacadnimada ay dalkooda ugu shaqeeyaan kuwaasi oo u dhabar-adayga xaaladaha kala duwan ee la soo darsa.
Siyaasiyiin iyo masuuliyiin ay shacabku soo doorteen ayaa isku dayay in ay dhaleeceeyaan hawlgalada iyo waajibaadka shaqo ee ciidanka qaranka kuwaasi oo aan fahansanayn u jeedada ciidanka qaranku dabridka u samaynaayo iyo waxa uu ka dhigan yahay Dabridku.

Ciidanka qaranka iyo ciidamada kala duwan ee somaliland uma baahna inay kala tashadaan hawlahooda shaqo siyaasiyiinta iyo shacabkaba somaliland midnaba sidaa darteedna uma baahana in loo soo jeediyo dhaliilo u jeedo xambaarsan oo bulshada looga dhigaayo nasteex ama in dantooda laga hadlaayo.

Taliyaha ciidanka qaranka somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaciil Taani waa ka ciidanka qaranka gaadhsiiyay deegaano aanay hore somaliland u maamuli jirin oo ka tirsan oo ka mida dhulwaynaha somaliland oo ku jiray gacmo shisheeye, isaga oo kaashanaya aqoontiisa iyo khibradda uu ciidamada u leeyahay waa ka gacanta ku dhigay in ay qabsadaan dhul somaliland ka maqnaa mudo aad u dheer oo hada bulshadaasi ay ku nool yihiin xariyad iyo nabadgalyo taama oo la mida ta ka jirta gobolada iyo degmooyinka somaliland ee ay hore ciidamadu ugu hawlgali jireen.

Waxa bulshada somaliland horumar ugu filan waxqabadka balaadhan ee lagu marjeertay oo uu gadhwadeenka ka yahay Taliyaha ciidanka qaranka somaliland S/G Nuux Ismaciil Taani kaasi oo og baahida loo qabo in ay ciidanka qaranku u baahan yahay in aqoontooda waxbarasho loo kordhiyo, waxa uu gaad-dheer iyo gaad gaabanba u fuulay sidii ay u heli lahayeen waxbarasho bilaasha oo ay ku soo qaataan wadamada dariska ah si ay ciidamadaasi u noqdaan kuwii ciimada kale ee aan nasiibka u helin deeqahaasi waxa barasho ay u gaadhsiin lahayeen aqoonta ay soo barteen kuna maamuli lahayeen xarumaha kala duwan ee ciidanka qaranka somaliland,hadaba ciidamadii uu taliyhu ku soo tabcay ee uu dadaalka ugu badan ku bixiyay waxa ka mid ahaa:Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland S/G Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagalle) oo dhawaan loo dalacsiiyay darajada Sareeye gaas iyo saraakiil ciidanka oo iyaguna u dalacay janano.

hadii aan ka sheekeeya nidhaahno waxqabada kala duwan ee u suurto galay tiliyaha ciidanka qaranka somaliland ma,aha kuwa la soo koobi kara oo aan halkan idiinku soo gudbin karno sidaa dareed bulshada reer somaliland iyo xukuumada talada dalka haysaaba way ka dharagsan tahay waana ay og tahay ciidanka qaranka halka uu gaadhsiiyay S/G Nuux Ismaciil Taani waxa uuna ku mutaysan doonaa bilad dahab ah.

Wariye Abdiqadir Habbane