“Dawladnimada Somaliland waxa ay ku mudnaaneysa sida Ciidamada Qaranku Ammniga u sugaan”Taliyaha DDS ee ciidanka New Booliska General Maxamed Xaaji.

Hargeysa(GNN):-Taliyaha guud ee ciidanka New Polis-ka DDS, General Maxamed Xaaji, ayaa sheegay in waxa dawladdnimda Somaliland ay ku mudnaaneysa ay tahay hadba sida ay u shaqeeyaan ciidamadeeda Qaranku, isla markaana ay ammaanka u sugaan.

Sidoo kale waxa uu xusay in ciidamada dalalka Somaliland, Itoobiya iyo Jabuuti ay si isku mid ah uga shaqeeyan ilaalinta abniga, maadama ay xudud dheer wadaagaan.

General Maxamed Xaaji isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi. “Xaflada ciidanka Qaranka Somaliland waanu soo dhaweynayna, mar haddii ILLAAHEY maanta nabad nagu keenay oo na soo gaadhsiiyay.

Waxaan salaamaya Jeneral Taani, wada shaqeynta aaga Itoobiya ilaa Jabuuti, iyo Somaliland sida aanu u wada shaqeyno, nabadgelyada uga shaqeeyeen.

Haddana in la sii wado oo nabadgelyada geeskeena aan ka shaqeyno, walaaltinimada aan muujino.

Dawladdnimada Somaliland waxa ay ku mudnaanaysa ama ku taagnaaneysa sida ay ciidamada Qaranka Somaliland u shaqeeyaan, anaguna aanu kala shaqeyno xuduuda dheer ee labada dal u dhaxeysa,”

waxaanu sidan ka sheegay mar uu maanta ka hadlayay munaasibadii lagu xusayay 28 guuradii ka soo wareegtay xuska ciidanka Qaranka Somaliland.