Madaxweynaha Somaliland Oo War Cad U Sheegay Ethiopia & Jabuuti Oo Wefti Culus u soo diray Hargeysa

Hargeysa (GNN)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka Qayb-galay xuska 28-guurada Ciidanka Qaranka, ayaa sheegay inay Somaliland muhiimad gaar ah ugu fadhido amniga dalalka Deriska ah, taas oo uu sheegay inaanay waxba kaga doonaynin beddelkeeda balse ay tahay dedaal iyo masuuliyad ay Somaliland isa saartay.