Masuul Isku Darsaday Hogaamin Hufan Daacadnimo Iyo Daljacayl.

Hargeisa(GNN):-Cabdiqani Maxamuud Jiidhe Waa Masuul Tusaale Fiican U Noqday Guud Ahaan Dhalinyarada Somaliland Dhinaca Hogaaminta
Madaxwaynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi Ayaa Markii U Horaysay U Igmaday inuu Qaranka Masuul Uga Noqdo Gobolka Sool
Cabdiqani Maxamuud Jiidhe Waxaa Lagu Xasuustaa Dedaalkii Uu Galiyay Dhismaha Amniga iyo Horumarka Uu Maamta Ku Naaloonayo Shacabka Ku Dhaqan Gobolkaasi
Waa Hogaamiye Da’yar Oo Mudnaanta Siiyay Danta Qaranka,Waxaa Uu Awooda Saaray Ka Midho Dhalinta iyo Xalinta Khilaafyadii Beelaha Walaalaha Ee Gobolka Sool Ku Soo Noqnoqday marar Badan, Suurto Gal May Noqdeen Hadii Aanu Xukuumada Hage Uga Noqon Wadiiqooyinka Nabada Waarta Lagu Abuuray, Taas Oo Suura Gal  Ka Dhitay In lagu guulaystay Hawlo Nabadeed Oo Gobalkaas Ka Tisqaaday

Gudoomiye Cabdiqani Maxamuud Jiidhe Waxaa Lagu Xasuustaa Mudadii Uu Gobolka Sool Madaxda Ka Ahaa In Uu Noqday Shaqsi Ka Fayaw Qabyaalad,Qof Jeclaysi,Musuqmaasuq iyo Wax Kasta Oo Kala Fogaynkara Bulshada Uu maamulayo,

Marka Laga Yimaado Dhinaca Amaanka Gobolka Sool
Gudoomiye Cabdiqani Maxamuud Jiidhe waa Hogaamiye Fahan Dhaba Ka Haysta Xeerarka Iyo Haykalka Dawladnimo Ee Lagama maarmaanka U ah Halbeega Horumarka Gobolka Uu Qaranka Masuulka Uga yahay.

Mudadii Uu Gobolka Sool Masuulka ka Ahaa Wuxuu dardar Galiyay In Ay isla Jaan Qaadaan Xafiisyada Wasaaradaha iyo Haayadaha Dawladu Ku Leeyihiin Gobolka Sool, Isagoo U Sameeyay Hadaf Iyo Qorshayaal Lagu horumarinayo Baahiyaha aasaasiga Ah Ee Taabanaya Nolosha Bulshada Sida Caafimaadka,Waxbarashada,shaqo-abuurka,Dhalinyarda Iyo Ciyaaraha,Wacyigalintii Caabuqa Covid19,Horumarinta Biyaha Iyadoo Mudnaanta la siinayo Sida Deegaamadu U kala Baahi Badan Yihiin.

Waxaa Xusid Mudan Doorkii Uu Ku Lahaa Dardar Galinta Qorshayaasha Lagu Horumarinayo Magaalada Laascaanood Isgoo Kaashanaya Golaha Deegaanka Dagmadaas Oo Ku Talo Ku Lahaa In Mudnaanta Wax Ka Qabshada  Baahiyaha Bulshada laascaanood
Hagitaankaas Oo suura gal Ka Dhigay In Dagmada Laascaanood La Jaan Qaado Magaalooyinka kale dalka Dhinaca Bilicda iyo Wadooyin Muhiima Oo Maanta Bulshadu Mahadisay

Waxaa Uu Hage Daacada Ka Noqday Mashaariicda Horumarineed Ee Haayadaha Caalamiga ah Iyo Kuwa Dawladu Ka Fuliyeen Guud ahaan Gobolka Sool, Taas Oo Wakhtigan gobolka Sool Kala Siman yahay Dhinaca Horumarka Gobolada kale ee dalka.
Isagoo Ka duulaya Ilaalinta Qaranimda Somaliland Wuxuu Amaro Culus Ka soo Saaray in Aan Xaflado huteelada laascaanood Loogu Qaban Shaqsiyaadka Xilalka U doontay Somalia Gaar ahaan Xildhibaanada Shaqo tagay.

Iyadoo Xilka Qaranku Meerto yahay
Hogaamintaa Hufan Ee cabdiqani Maxamuud jiidhe Waxaa Ay Sababtay In Madaxwaynaha Qaranku Mar Kale U Magac Aabo Badhasaabka Gobolka Gabilay

Taasoo Ay U Riyaaqeen Bulshada Ku Dhaqan Dagmooyinka gobolka Gabilay Kagana Dareen Celiyeen Soo Dhawayna ay u sameeyeen Maamul iyo Shacaba

MarkaleWaxaa Uu Dardar Galiyay Qorshayaasha Lagu Sii Anba Qaadayo Horumarka Gobolkaas Isagoo Adeegsanayaa khibradiisa Ah Sida Bulsho Loo Horumariyo
Ilaa Hada Waxaa Uu Horseed Ka yahay mashaariic Iyo Qorshayaal Horumarineed Oo Ka socda guud ahaan Dagmooyinka Gobolka Gabilay
Isgoo Xoojiyay Wadashaqaynta Xafiisyada Wasaaradaha Iyo Haayadaha Dawlada
Dhinaca kale Waxaa uu Kormeer Iyo U Kuurgal Ku sameeyay Guud ahaan Dagmooyinka iyo tuulooyinka Hoos yimaada Gobolka gabilay Si Uu Xogogaal Ugu Noqdo Baahiyaha Wakhtiga U Baahan In Wax laga Qabto
Taas Oo Sababtay Gobolku U jihaysto Dhinaca Horumarka.
Geesta kale Golaha deegaanka gabilay Ee Dhawaan La doortay ayaa Wakhtigan Ku Hawlan Hirgalinta Mashaariic Cusub Taas Uu Hagideeda qayb Ka yahay badhasaabka Gobolka Gabilay  Cabdiqani Maxamuud jiidhe Isgoo sidii Dhaqanka U Ahayd Muujinaya daacadnimo iyo dedaal ah in hawlaha Qaranka Meel Looga Soo Wada Jeesto Oo Laga Fogaado wixii Dib u Dhac Keeni Kara.
W/Q
Cabdiraxmaan CIsmaan  Xasan Almis
Saxfi