Dagaalka Ukraine iyo Duqeyntii Hargeysa oo Madaxweyne Muuse Biixi is-barardhig ku sameeyey

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi  Cabdi ayaa dalalka Ruushka iyo Ukraine ugu baaqay in dagaalka la joojiyo nabadna lagu dabaalo xaaalada, sidoo kalena waxa uu sheegay inaan Hargeisa iyo Burco wixii ka dhacay aanay Ukraine ka dhicin.

Sidaa waxa uu ku sheegay Madaxweyne Biixi mar uu maanta ka hadlayay Xaflada qalin-jabinta Dufcadii 7aad oo ka kooban 410-Sarkaal oo ka baxay kulliyada Tababarka Layli-Sarkaal Ee Cabdilaahi-Askar kana tirsan Ciidamada Qaranka, oo qabsoontay.