Meeqaamkii Dowladda Maraykanku ku Qaabishay Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa oo Gaadhay Washington

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaraaha Dulles ee magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Washington oo weftigu gaadheen 5:00 galabmimo ee Axadda maanta saacadda Bariga Afrika, kuna beegan 10-ka subaxnimo, waxa weftiga soo dhaweeyey saraakiil ka tirsan waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka, Safiirka Somaliland u fadhiya Maraykanka Bashiir Good iyo jaaliyadda Somaliland ee Maraykanka oo ku gaashaman calanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Meeqaamkii Dowladda Maraykanku ku Qaabishay Madaxweynaha Somaliland iyo Kulamada u Qorsheysan