Somaliland oo Qayb Ka ah Shir Caalamiya oo Ku Saabsan Badqabka iyo Khataraha Ineternet-ka Kana Dhacay Dubai.

Dubai(GNN):-Wasaarada isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland ayaa ka qayb galaysa shir caalamiya oo ku saabsan ka hortaga khataraha iyo badqabka internetka oo ay ka qayb galayeen dawlado caalami ah, Waxaana xukuumada Somaliland oo ku matelayo Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland Dr C,wali Sheekh Suufi Jibriil ayaa nuxurka shirkan oo uu warbixin kooban ka bixiyey sheegay in somaliland qayb ka tahay dawladaha soo koraya ee sida xoogan uga horumaray dhinaca isgaadhsiinta taas oo lagu soo martiqaaday ka dawlad ahaana sidaa ay uga qayb qaadanayaan.

Shirkan oo Sanadkiiba mar dhaca ayaa inta badan lagaga shiraa ka hortaga iyo ilaalinta badqabka dhinaca isgaadhsiinta taas oo uu ugu horeeyo adeega internetku, waxaana inta la ogyahay Aalada Inernetka oo qayb ka noqotay nolosha bulshada ayaa wakhtigan dawlada waaweyn ee ka horumaray adeegan ay aad uga foojigan yihiin khatar kasta oo ka dhici karta.

Wasaarada Isgaadhsiinta Jamhuuriyada Somaliland oo Shirkan qayb ka ah ayaa sidoo kale waxaa uu wasiirka Isgaadhsiinta Jamhuuriyada Somaliland Dr Cabdiweli Sheekh Suufi Jibriil kulamo ka duwan la qaatay dawladaha kasoo qayb galay shirkan kuwaas oo ay badankooda ka wada shireen sidii ay usii xoojin lahaayeen wada shaqeynta dhinaca Isgaadhsiinta ee ka dhaxaysa Dawladah horumar oo ay somaliland Cilaaqaadyo kala duwan la leedahay, kana wada shaqeeyaan arrimaha amniga oo uu qayb ka yahay Adeega Internetku.

Maaha Markii ugu horeysay ee xukuumada somaliland ka qayb gasho shirar caalami ah oo ay ku tagto casuumad rasmiya kuwaas oo wax badan ka taraya koboca dhinaca isgaadhsiinta iyo arrimaha tiknoolajiyada oo sanadba sanadka ka danbeeya aad usii horumaraya.

 

Gabiley News Network

Contactgabileynews@gmail.com