Tariikh Nololeedkii Ganacsade Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo kooban (NIN HADAL YAR OO HAWL-KAR AH)

(NIN HADAL YAR OO HAWL-KAR AH)
Innaa lilaahi wa Innaa ilayhi Raajicuun, Alle ha u Naxariistee marxuum Cabdiqaadir Xaashi Cilmi mulkiilihii Huteelada Maansoor oo maanta oo taariikhdu tahay 25-03-2022 ku geeriyoo dalka hindiya. Marxuumku Alle ha u naxariistee waxa uu ahaa 87 jir isaga oo Sanadkii 1935 ku dhashay Magaalada Jigjiga ee Deegaanka Soomaalida Ethiopia. waxa uu ku barbaaray magaalada Hargeysa waxna ku bartay, isaga oo Dugsigii hoose dhexe ku qaatay Fisher School imikana loo yaqaan sheekh Bashiir, Dugsigiisii sare Hargeisa Trades school ama CTC ee Ganacsiga.
Marxuum Cabdiqaadir Xaashi Cilmi waxa uu 1957-kii waxbarasho dibadeed u tagay Magaalada Cadan oo xiligaasi ingiriisku xukumi jiray halkaasi oo uu ka galay Dugsi Farsamo, markii uu waxbarashadaasi dhamaystay ayaa waxa uu ka shaqo galay Shirkada Caalamiga ah ee British Petroleum waxanay Shirkadaasi BP 1962 waxbarasho Jaamacadeed Iyo Shaqo isku jirta ugu dirtay UK isaga oo bartay Engineering Petroleum, markuu waxbarashadaasi soo dhamaystay waxa uu dib ugu soo laabtay magaalada cadan isaga oo shaqadii shirkada BP dib u bilaabay noqdayna Ingineer Batrolka Sifeeya.
1968 ayuu u wareegay dalka Kuweit isaga oo 37 sano joogay kana shaqeynayay Dalkaasi kuweit, hadana marxuumku waxa uu Somaliland gaarahaan hargeysa ka waday Aas Aaskii Hotel Maansoor waxaanu Si Rasmiya u furay Hoteelka Caanka ah ee Maansoor Hotel Hargeysa 1996, balse Marxuumku waxa uu Si rasmiya dalka dib ugu soo laabtay ama u soo dagay 2005 waxaanu bilaabay balaadhinta iyo hurumarinta Hoteel-ka Maansoor.
Geesta kale waxa uu marxuumku Qaybtii 2-aad ka hirgaliyay Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil Maansoor hoteel Berbera kaasi oo ah mid Casriya oo leh goobo lagu dabaasho oo dalxiisayaashu tagaan, sidoo kale Marxuum Cabdiqaadir Xaashi waxa uu Qaybtii 3-aad ka hirgaliyay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.
(Alle ha u Naxariistee ) marxuumku waxa uu ahaa Nin hadal yar oo hawlkar ah, kumana koobnayn Ganacsiga, maalgashiga uu dalka ku sameeyay iyo hawlihiisa shaqo, Balse waxa uu ahaa Samafale u gargaara Danyarta isaga oo Caawin Jiray Cusbitaalada dhimbirka ee dadka Maskaxkada ka xanuunsanaaya ku Jiraan iyo danyar farabadan oo miyiga iyo magaalada-ba ku nool, waxa kale oo uu ahaa Safiir iskii isu diray oo u dhaqdhaqaaqa aqoonsiga Somaliland.
Sidoo kale Marxuum Cabdiqaadir Xaashi Cilmi waxa uu ahaa Gudoomiyaha Gudiga Dhismaha Jidka Dawgacad ee waqooyiga Magaalada Hargeysa Gudigaas oo ka koobnayd Odayaal iyo dhalinyaro iskood isu xilqaamay oo ka shaqeyn jiray Dhismaha Jidka Dawgacad ee isku Xidha Hargeysa ilaa Xeebta Ceel-sheekh oo ahaan jiray mid dhib badan ay ku qabeen dadka iyo duunyada ku dhaqan gubanka ama xeebta.
Ugu Dambayn (Alle ha u Naxariistee) marxuum Eng, Marxuum Cabiqaadir Xaashi Cilmi waxa uu ifka kaga Tagay 6 Qof uu dhalay iyo hal Xaas, Marxuumka tafiirtiisu iyo waxa ay sii dhaleena 28 qof.
ALLAH SWT waxan ugu baryaynaa Marxuumka Inuu Janooyinkiisa ku Casuumo Qoyska Qaraabada iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay-na Samir iyo Iimaan ka siiyo Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilaayhi Raajicuun.
Qalinkii Axmed Cumar Caddaani.
Qalinkii Axmed Cumar Caddaani.