Wasiir Maxamed Kaahin oo Hadal Aan laga Filayn u Sheegay Jaaliyadda Somaliland ee Maraykanka

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa khudbad dheer ka jeediyey munaasibad ay jaaliyadda Somaliland ee Maraykanku ku qaabileen weftiga madaxweyne Muuse Biixi ee hawlaha shaqo u jooga dalkaas.

Wasiir Maxamed Kaahin waxa uu khudbaddiisa ku soo qaatay dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Furista ururrada siyaasadda iyo sharciyadda Jiritaanka saddexda Xisbi Qaran.