Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr. Issa Keyd oo habka fogaan araga kulla kulmey jaaliyada Somaliland ee qaarada yurub

 GNet:Habeenimadii xaley 03.03.22  saacadu markii ay aheyd 21:00 xilliga magaalada Hargeysa waxaa kullan qaatey 2:10 daqiiqo  ku yeeshay habka fogaan araga ee Internetka  Wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland mudane Ciise Keyd Maxamuud iyo qaar kamid ah Jaaliyadaha Somaliland ee dalalka kala ah  Denmark, Sweden, Findland, UK, Holland, France iyo Belgium kullanka ayaa ahaa mid is xogwareysi iyo wada tashi isla markaasina wasiirka lagu waydiiyey su’aalo la xidhiidha hawlaha Socda ee wasaarada arimaha dibada, iyo safaradii kala duwanaa ee uu  dibada dalka ugu baxey  iyo hayaanka loogu jiro ictiraafraadinta Somaliland.

 

Wasiirka ayaa Jaaliyada ka codsadey  inay  boodhka katumaan dedaalkoodii joogtada ahaa ee ay dalkooda ku garab taagnaayeen isaga oo u sheegay in dhamaan qurbajooga aad loogu baahanyahay maanta mid kaliyana aan laga maarmikarin.

Wasiirka ayaa  kula dardaarmey Xubnahaasi iyo jaaliyadahooda iyo ururada ay matalayaanba  in ay midoobaan dhexdooda, meelna uga soo wada jeedsadaan qadiyadooda guud mucaarad iyo muxaafadba, waxa uu sidoo kale qirey kaallinta lafdhabarta ah ee ay kaga jiraan horumarka dalka sida  maalgashiga, tacliinta iyo dhaqaalaha dalka oo ay ugu mudantahay biilasha ay qoysaskooda u soo diraan iyo sida ay ugu soo gurmadaan marka loo baahdo sida xilliyada abaaraha.

Warbixinta wasiirka kadib waxaa iyaguna su’aalo waydiiyey xunbihii kullanka joogay isaga oo mid mid ugu jawaabey islamarkaasina talooyinkoodii weeleeyay.

Kullankan ayaa ka mid ah dadaalada isdaba jooga ah ee uu wasiirku soo kordhiyey mudadii koobneyd ee uu xafiiska joogey isaga oo sheegey in uu munaanta koowaad siinayo sidii looga faaideysanlahaa awooda aan la dafirikarin ee qurba jooga.

 

ugu dambeyn waxaa loo ballamey in kullan dambe la isugu yimaado kana soo qeybgalaan dhamaan jaaliyada Yurub .

Radiohormuud.dk/Gabiley.Net