Wefti ka socda Baarlamaanka Somaliland oo u anba-baxay Xarunta Baarlamaanka Yurub oo lagu marti-qaaday

Hargeysa (GNN)- Wefti ka socda Baarlamaanka Somaliland, ayaa socdaal ugu baxay magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgium oo ah xarunta Baarlamaanka Midowga Yurub.

Weftigan oo uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Cali Xaamud Jibriil, ayaa safarka ay ugu baxeen dalka Belgium ka dambeeyey kaddib marti-qaad rasmi ah oo Baarlamaanka Midowga Yurub u soo diray Baarlamaanka Somaliland.

Guddoomiye Cali Xaamud waxa socdalka ku wehelinaya La-taliyaha Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Golaha Guurtida Marwo Faadumo Siciid iyo Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yaasir.

Weftiga ka socda labada Aqal Baarlamaanka ee Wakiillada iyo Guurtida Somaliland oo maanta ka duullay gegida diyaaradaha ee Egal International Airport ee magaalada Hargeysa, ayaa diyaar-garowga soo-dhaweytoodu ka socotaa magaalada Brussels ee dalka Belgium iyadoo ay si weyn isu abaabuleen jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalkaas.

Socdaalka Weftigan ayaa ku soo beegmaya iyadoo isla maanta uu dalka Maraykanka u anba-baxay Wefgti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo marti-qaad ka helay dowladda Maraykanka.

GNN/Hargeysa