Weftiga Baarlamaanka Somaliland oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Brussels

Brussels (GNN)- Wefti ka socda Baarlamaanka Somaliland oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada, ayaa maanta gaadhay magaalo-madaxda dalka Belgium oo ah Xarunta Baarlamaanka Midowga Yurub.

Weftiga oo shalay gelinkii dambe ka dhoofay gegida diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa subaxnimadii saaka gaadhay magaalada Brussels, waxaanu safarkoodu la xidhiidhaa marti-qaad rasmi ah oo baarlamaanka Somaliland ka helay Baarlamaanka Midowga Yurub.

Xubnaha weftiga baarlamaanka Somaliland, ayaa ka kooban Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Md Cali Xaamud Jibriil, Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida Xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yaasir iyo La-taliyaha Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Golaha Guurtida Marwo Faadumo Siciid.

Weftiga waxa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Brussels ku soo dhaweeyey Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Dalka Belgium oo soo-dhaweyn ballaadhan ku qaabilay weftiga.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inay xubnaha baarlamaanka Somaliland kulamo la qaataan xubno ka tirsan Baarlmaanka Midowga Yurub oo marti-qaad u fidiyey, iyagoo qadiyadda Somaliland kala hadli doona baarlamaanka Midowga Yurub.

Socdaalka ay xubnaha baarlamaanka Somaliland ugu kiciteem qaaradda Yurub, ayaa ku soo beegmay iyada oo isla shalay uu dalka Maraykanka u dhoofay wefti uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo marti-qaad rasmi ah ka helay dowladda Maraykanka.

Gabiley.net ,Brussels