Dowlada Mareykanka oo iska fogeysay arrin muran dhalisay oo ay sameysay Ilhaan.

Dowladda Mareykanka, oo war ka so saartay booqashada Ilhaan Cumar oo ka tirsan Kongareeska ay ku tagtay gobolka Kashmir ee qeybta Pakistan, ayaa sheegtay in booqashadeeda aysa ahayn mid rasmi ah oo ay wax ka ogtahay.

Mid ka mid ah la taliyeyaasha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken, Derek Sholet, ayaa yiri, “Tani waa booqashdeeda aan rasmiga ahayn. Marka la eego isbeddelka ku yimid siyaasadda dowladda Mareykanka, booqashadeedu wax shaqo ah kuma lahan siyaasaddeenna midna.”

Goor sii horreysay shalay, dowladda Hindiya ayaa cambaareysay booqashada Ilhaan Cumar ee shan maalmood ay ku joogeyso Pakistan.

Hindiya ayaa sheegtay in booqashadeeda ay carqaladeyneyso madax bannaanida dalkaas. Waxay sidoo kale booqashada Ilhaan ku tilmaantay mid maangaabnimo siyaasadeed ah.

Ilhaan Cumar oo xubin ka ah Aqalka Wakiillada Mareykanka ee Congress-ka ayaa booqasho ku tagtay gobolka Kashmir, qaybta ay Pakistan ka maamusho. Laakiin arrintan ayaa qabsatay warbaahinta kaddib markii ay cadho ka muujisay dowladda Hindiya.

Qof ka mid ah dadka ka fal celinayay ayaa yidhi: “Siyaasiyiinta wax kala qaybiya ee sida Ilhaan Cumar ah waa in laga hor istaago inay tagaan meelaha xasaasiga ah ee Kashmir. Waxay kasoo hor jeeddaa Hindiya xaqna uma laha in ay xubin kasii ahaato Congress-ka Mareykanka.”

error: Content is protected !!