Ganacsade Aadan Baradho Oo War farxad-leh Sheegay + Masiibada Dabka Ka Dhacay Suuqa ugu weyn Somaliland ee Waaheen.

Hargeisa(GNN):-Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye Aadan (Baradho) oo kamida ganacsatada waaweyn ee jamhuuriyada somaliland oo caawa warbaahinta kula hadlay hoyga uu ka dagan yahay magaalada hargeisa waxaa uu murugada la qaybsaday dhammaanba ganacsatadii bulshada somaliland ee waxyeelada baaxada lihi kasoo gaadhay dabka qabsaday Suuqii ugu weynaa ganacsiga magaalada hargeisa ee waaheen, waxaanu ganacsaduhu hadalo isugu jira tacsi, dardaaran iyo waayeelinimo balaadhan u diray shacabka somaliland ee ay heshay masiibadaasi.

Alle Cimriga iyo caafimaadka haw siyaadiyee Ganacsade Xaaji aadan baradho ayaa kamid ahaa raggii aas-aasay Ciidamada dab demiska somaliland isagoo ahaa xaaji aadan baradho gudoomiyaha gudidii lagu aas-aasay ciidamada dabdemiska somaliland oo la odhan karo waa naftood hurayaasha doorka laxaadka leh ka qaatay daminta dabkaasi ka kacay suuqa weyn ee waaheen oo waxyeelo aan la qiyaasi karin soo gaadhsiiyey umadii halkaa ku ganacsan jirtay oo isugu jirtay ganacsato waaweyn, kuwo dhexe iyo ganacsato yaryarba.

Waxaa uu ilahay uga baryey ganacsade xaaji aadan dhamaanba umadii halkaa ku waaeyey hantidoodii in ilahay cawil khayr qaba ugu bedelo khasaaraha soo gaadhay, isagoo sidoo kale u balan qaaday in aaney arrintaasi kali ku noqon doonin oo ay hadii ay yihii ganacsatada waaweyn is barbar taagi doonaan wixii ay kagaga qayb qaadayanaa sidii dadkaa dhibaatadu soo gaadhay loola qaybsan lahaa.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.