Daladda Somaliland Society in the Netherlands    Hambalyo u Diraya Dhamaan Umadda Reer Somaliland.

 

 

17.05.2022                                     Hambalyada Munaasabada  Xuska 31aad ee 18ka May 2022

                            

Waxannu halkan hambalyo ugu soo gudbinaynaa dhammaan ummadda reer Somaliland gude iyo dibedba   munaasabadda xuska 18 May  ee sanadguurada  31aad  ee   ka  soo wareegtey dib  ula  soo  noqoshadii qaranimada Somaliland.

 

Waxaananu  ilaahay  ka  baryeynaa  in  uu  sanadkan  sanadkiisa  inagu  gaadhsiiyo bashbash, barwaaqo, nabad iyo xasilooni, isla markaana  Somaliland  aduunka  ka hesho ictiraaf  buuxa .

  • 18 May waa maalin ku qaali ah ummadda reer Somaliland maadaama ay tahay maalintii la go’aansaday in dib loola soo noqdo xornimadii iyo qaranimadii Somaliland.
  • waa maalin ina xasuusinaysa halgankii adkaa ee loo soo maray dalkan in dib loo hantiyo qaranimadii inaga luntay 1dii July 1960kii.
  • waa maalin kulmisay isla markaana walaalaysay shacbiweynaha reer Somaliland oo maanta halgan ugu wada jira sidii waddanku u heli lahaa aqoonsi caalami ah.
  • waa maalin ku weyn taariikhda cusub ee Somaliland, waana waajib in dhallaankeenna aynu ku wacyi gelinno qiimaha iyo qaddarinta ay maalintani muddan tahay.

 

Tan iyo sannadkii 1991  oo ah markii aynu la soo noqonay xorriyadda Somaliland, waddanku wuxu soo maray maraaxil iyo xaalado noocyo badan, kuwaasoo lagaga soo gudbay isku duubni, wada-tashi, wada-shaqeyn iyo dulqaad aynu muujinnay muddadaa ama wakhtigaa intaa leeg. 

 

Waxannu boogaadin u soo jeedinaynaa  dhammaan Jaalliyadaha qurbo joogga reer Somaliland oo wakhti iyo juhdi  badan geliyay sidii munaasabadan maalintan xuska 18 May 2022  ay u soo bandhigi lahaayeen barnaamijyo u qalma oo ay u noqon lahayd mid ka bilan sannadihii hore. 

Gebagebadii:

Bulshada caalamka waxaannu cod dheer ugu  sheegaynaa in danta caalamka, tan mandaqa iyo danta Somaliland iyo Somalia-ba ay ku jirto in (Somaliland iyo Somalia)  ay noqdaan laba dal oo jaar ah, maadaama  aanay sinaba suurta gal  u ahayn inay  mar dambe ku heshiiyaan dawlad ay wadaagaan.  Sidaa daraadeed, Somaliland waxay beesha caalamka marti uga tahay aqoonsi buuxa. 

 

Waxaannu mar labaad u hambalyeyneynaa  bulshada Somaliland  sannadguurada 31aad ee ka soo wareegtey  dib ula  soo noqoshadii  qaranimada  Somaliland annaga oo u rajeynayna barwaaqo iyo horumar. Ummadda  Somaliland,  waxaannu  kula dardaarmaynaa  wadajir, iskaashi iyo  midnimo.

Wa Billaahi Tawfiiq

Somaliland Society in the Netherlands

E-mail:  adam.32@live.nl