Dalada Jaaliyadaha SSUK & EU Somaliland Diaspora oo Hambalyo Udiraysa Shacabka Somaliland Munaasibada Ciida Fidrida Awgeed.

Hambalyo
Ciid Mubaarak

munaasibadda ciidal-fidriga ee sanadka Hijriyada Islaamka ee 1443-naad awgeed waxaannu hambalyo u diraynaa dhammaan shucuubta Islaamka meel ay joogaanba, gaar ahaan ummadda reer Somaliland gude iyo debadba.

waxaanu Eebbe  
inooga baryaynaa inuu innaga aqbalo soonkii iyo acmaashii wanaagsanaa
ee aynu bishan Ramadaan soo gudannay, Ilaahayna inoo dambi-dhaafo, wixii dhib iyo culays ahna  Alleh innaga  dulqaado.

Qurba joogga Somaliland waxan u soo jeedinayaa inay marka koowaad
ay iska xil saaraan si hagar la’aan ah uga qeyb qaadtaan Qaadhaan ururinta Suuqa WAAHEEN.

marka labaadna waxannu Jaalliyada Somaliland ugu baaqay inay sannadkan 2022  muhiimad gaar ah siiyaan xuska  dib u dhalashada Jamhuuriyadda Somaliland  maalinta     18 May, muujiyaanna iskaashi, midnimo iyo wada-jir.

Ugu dambayntii, waxannu u rajeeyey umadda reer Somaliland iyo guud ahaanba bulshadda  caalamka islaamka in ilaahay uu bishan bisheeda ku gaadhsiiyo Bash-bash iyo barwaaqo.

Dalladda
SSUK & EU Somaliland diaspora