Hargeysa: 20-guurada Xisbiga Kulmiye oo loo dabbaal-degay

Hargeysa (GNN)- Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayo 20-guurada ka soo wareegtay markii la aasaasay xisbiga Kulmiye sannadkii 2002-dii, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Munaasibadda oo si weyn loo agaasimay, waxa ka qayb-galay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ahna guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, hoggaanka sare iyo kaadiriinta xisbiga Kulmiye.

Muuqaalka hoose ka daawo qaabkii ay u qabsoontay iyo hadalladii laga yeediyey xafladda loogu dabbaal-degay 20-guurada xisbiga Kulmiye