Telesom iyo Maalmaha Fasaxa ee Qaranka Somaliland Maxaa Kala Haysta?….WQ; Axmed Jamac

Telesom miyay ka madaxbanaan tahay shuruucda dalka? Maxaa keenay inaanay Telesom u hogaansamin shuruucda dalka u taala? Waxaynu la soconaa waddan kasta oo dunidan guudkeeda saarani inuu leeyahay shuruuc u gaar ah oo uu ku dhaqmo isla markaana tix geliyo. Mawduuca aynu halkan kaga hadli doonaa waa mid la xidhiidha sharci u yaala waddankan Somaliland oo shirkadda Telesom iska indho tirto isla markaana mu’waadiniinta u shaqaysa ku tacadido iyadoo xaqoodii duudsida kana hor istaagta xaqii dastuurku siiyay. Wasaaradda Shaqo-Gelinta Arrimaha Bulshada & Qoyska JSL oo aanu la xidhiidhnay ayaa noo caddaysay inay sharciga maalmaha fasaxa shaqaalaha u gudbisay shirkadda Telesom gaar ahaan xafiiska shaqada iyo shaqaalaha oo uu madax u yahay C/qaadir Sahal iyo Xafiiska xidhiidka dadweynaha oo uu matalo Yaasin Nur Mooge. Laakiin waxa illaa maanta cad inay iska indho tirayaan masuuliyiintaa magacii shirkadda huwan ee shaqaalaha muwaadiniinta ah ka hortaagan maalmo ay xaq u leeyihiin oo uu dastuurku u fasaxay. Shirkaddaha Somcable iyo Dahabshiil oo sidan Telesom u dhaqmi jiray isla markaana iska indho tiri jiray sharcigan ayay dantu u run sheegtay iyadoo shaqaale badan oo shirkadahaa ka tagay ay maxkamadda ka dacweeyeen oo looga qaaday maalmahaa ay fasaxa ahaan lahaayeen lakiin lagu qasbay inay shaqeeyaan. Markay shirkadahani xamili waayeen magac jabka iyo khasaaraha maaliyadeed ee kasoo gaadhay ayay go’aan ku gaadheen inay si toosa u dhaqan galiyaan sharcigan. Laakiin waxa ilaa maanta aan dhag jalaq u siin shirkadda Telesom. Haddaba su’aasha isweydiinta lihi waxa weeye ma Wasaaraddaa shaqadeedii gabtay? Ma Telesom baa ka madax banaan shuruucda dalka? Mise heshis hoose oo aynaan ka warqabin ayaa u dhexeeya Telesom iyo Wasaaradda shaqo gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska?. Waddanka kama jiraan ururo u dooda xuquuqda shaqaalaha (trade unions), sidaa darteed way adagtay inuu codka shaqaalaha dulmani meelkasta ha joogee uu gaadho Wasaaradda ku shaqada lihi. Waxaanse aaminsanahay in Wasaaradda shaqo gelinta arrimaha bulshada iyo qoysku ay hawsheedii gabtay oo ay ka gaabisay.

 

WQ; Axmed Jamac