Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta jsl oo Caadeystay Lunsiga Dhaqaale Kooban oo ay Madaxtooyada Jsl usoo Mariso Xusaska Maalmaha Qaran Warbaahinta Madaxa banaan,+Shaqsiyaad uu Adeegsaday.

Hargeisa(GNN ):- Labadii sanno ee ugu danbeeyey oo uu agaasime guud ka ahaa wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta jsl maxamed yuusuf cabdi ayaa waxaa isa soo taraya falalka musuqmaasuq ee uu kula kacayo warbaahinta madax banaan, iyo shaqaalaha wasaarada warfaafinta oo badidood uu kula kacay tacadi, iyo dhaqaale lagu lunsado magacyadooda iyadoo la adeegsanayo barnaamijyo been ah oo aaney waxba ka jirin lagulana baxo dhaqaale malaayiin ah bil kasta.

Madaxtooyada Somaliland ayaa Maalmaha qaran ee xusaska sida 26 june iyo 18 may warbaahinta madax banaan ee habeen iyo maalinta usoo jeeda baahinta wararkaasi iyo barnaamijyada maalmaha qaran siin jirtay waxoogaa dhaqaale kooban oo ay markii hore xarunta madaxtooyada somaliland toos u gaadhsiin jirtay,

Balse labadii sanno ee ugu danbeeyey ee wiilkan laga dhigay agaasimaha wasaarada warfaafinta oo uu ku dooday in wasaarada warfaafintu maamusho warbaahinta guud ahaan wakiilna ka tahay, ayaa xarunta madaxtooyada somaliland usoo wareejisay in wixii dhaqaale ah ee loogu talo galay warbaahinta ka shaqeysa maalmaha qaranka ee sida tooska ah u baahisa wararka iyo barnaamijyada maalmaha qaran ay wasaarada warfaafintu gaadhsiiso wixii shaah ah ee loogu talo galay.

Intaas wixii ka danbeeyey agaasime maxamed yuusuf oo ay u gacan gashay dhaqalehan koobani ayaa ku takrifalay dhididkii shaqaalaha warbaahinta  madaxa banaan ee aan ka seexan habeen iyo maalinba hawlaha qaran usoo jeeday, isagoo si toosa jeebka ugu shubtay kala badh lacagta ay soo gaadhsiisay madaxtooyada somaliland halka aan waxba la gaadhsiin badiba warbaahintii dhiiga u shubay shaqada qaranka ee aan ka seexan tabinta xuska maalinta qaran ee 26 june.

Waxaana wiilkani uu u samaystay shaqaale hoosaad uu u xilsaaray oo iyagu kala badh lacagihii loo qorsheeyey tv -yada madax banaan waxoogaa yar la gaadhsiiyey halka intii badnaydna aan waxba la gaadhsiin.

Dhinaca kale Warbaahinta Onlineka ama Shabakadaha ku baahiya wararka qaabka onlineka ayaa iyagana dhaqaalihii loo qorsheeyey uu u adeegsaday lunsigeeda shaqsi ku shaqeysta magaca gudoomiyaha ururka online somaliland ee SOMA oo aaney jirin meel lagu doortay iyo cid dooratay toona.

Waxaana magacyo mareego tiro kooban ah oo qaarkood hawada ka maqan yihiin qaarna aaney dalkaba joogin dhaqaalihii loogu talo galay warbaahinta onlineka ah ku lunsaday agaasime maxamed yuusuf iyo shaqsiyaadkaa magacyada beenfariinka ah wata oo uu kagaga raali ahaa agaasime maxamed yuusuf islana ogaayeen qorshahan lagu musuqmaasuqay dhaqaalihii koobnaa ee loogu talo galay warbaahintii tacabka galisay baahinta wararka qaranka somaliland.

 

La Soco Xogo Ku Saabsan Musuqmaasuqa Baahsan ee ka jira Wasaarada Warfaafinta iyo Dariiqooyinka lagula baxo lacagta shacabka cashuurta laga qaado, iyadoo wasaarada Warfaafintu kamida wasaaradaha ugu dakhliga badan wasaaradaha dalka.