Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda ee Somaliland, ayaa maanta doortay hoggaanka sare ee guddigaas, kaddib markii maanta la dhaariyey saddex xubnood oo toddobaadkan ay ansixiyeen Golaha Wakiillada Somaliland
Guddiga oo maanta yeeshay fadhigoodii u horreeyey, waxa ay iska dhex-doorteen guddoomiyaha, guddoomiye ku-xigeenka, Xoghayaha iyo Afhayeenka Guddiga oo ay isla maantaba ansixiyeen.