Somaliland 31 sanno oo  midnimo ah iyo 31 oo gooni isu taag ah. Qalinkii:Ali Xaruuri

*26ka June waa maalin taariikhi ah oo ku qaali ah ummadda reer Somaliland maadaama ay tahay maalintii dhalashada Qaranimada  Jamhuuriyadda Somaliland. 

*26ka June waa maalin ku suntan markii u horraysay ee dal soomaaliyeed xornimadiisa iyo dawladnimadiisa ka helay gumaystayaashi reer Yurub. 

*26 June Waa maalintii uu Abwaankii Cabdillaahi Suldaan Timacadde (AHUN) lahaa:

    ” Saaxirkii kala guurnaye   #   Sarreeyoow ma nusqaamoow 

          Aan siduu yahay eego e’    #   Kaana siib kanna saar.”  *26ka June waa maalin qiimo weyn ugu fadhida Somaliland, in kastoo nasiib-darro farxaddii xornimada shacbiga Somaliland heleen maalintaasi ay ku dhammaatay muddo 5 maalmood gudahood ah,  kadib markii  1dii July 1960kii la galay  israacii lagu hungoobay (Somaliland iyo Somalia) ee bilaa shuruudda ahaa. 

Bil iyo maalmo keliya kolkii laga joogay dawladnimadii, ayuu Abwaan Timocade (AHUN) dareenkii niyad-jabka shacbiga ka tiriyey Tuducyadan hoose ku qoran ee geeraarka Socdaal: 

Dawlad soo gashay mayhine 

Danteennaa laba diidaye 

Dabuub aanu maqlaynay 

Dareen baan ka qabnaayoo 

Dugisii baarlamaankiyo

Dekeddii xamar baa leh 

Berbera daadku ha qaado     

Doonniyi yaanay ku weecan 

Duqaydii baarlmaankaay

Labadaa kala daayoo 

Yaan loo daymo la’aan”. 

si kastaba ha ahaatee, halgan qadhaadh kadib waxa ilaahay mahaddii inoo suurta gashay in qaranimadii luntay ee godka madow ku dhacday aynu mar kale dib ula soo noqonno 18ka may 1991.  Haatan 31 sanno kadib Somaliland waxay joogtaa inay tahay qaran madaxbannaan, awood leh, hay’adaheeda dawladiga ah iyo shuruucdeedu u dhammaystiran tahay, isla markaana hirgelisay hannaan dimuqraadi ah oo ay ku qabsatay ugu yaraan shan doorasho oo dadweynuhu codkooda si xor iyo xalaal ah u soo xusheen madaxdooda. Sidaasi darteedna, Jamhuuriyadda Somaliland waa qaran madaxbannaan oo inuu hore u socdo mooyee aan marnaba weligeed dib ugu noqon doonin midow dambe.

Shacbiga gobta ah ee Somaliland waxan xasuusinayaa muddadaa 62ka sanadood, waxa ina soo maray marxalado kala gadisan oo ay ka mid yihiin wakhtiyaddii inoogu adkaa oo aynu  kaga soo gudubnay midnimo, wadajir, isku duubni, adkeysi, sabir iyo dulqaad.

Waxa aan dadweynaha Somaliland ku boorrinayaa in aynu Eebbe uga mahad celinno guusha iyo gobanimada mar kale gacanteenna dib inoogu soo noqotay 

isla markaana aynu ku fara adeygno oo Xornimadeenna iyo Nabdegalyada wada ilaashanno.

Maanta ilaahay mahaddii baynu joognaa, dawladnimadeenii waynu haysanaa, waxa kaliya ee inaga maqani waa ictiraaf caalamiya, kaasna waxa aynu rajaynayaa in caalamku dhawaan  ( sida ugu dhakhso badan) inoo aqoonsan doono (insha Allaahu) oo dalkeenu noqon doono xubin buuxda oo beesha caalamka ka tirsan. 

 

Guul iyo Gobanimo Somaliland

 

Qalinkii Cali Xaruuri

E-mail adam.32@live.nl