“Way Iga Farxiyeen ee ILAAHAY haka Farxiyo…” Hooyo Danyar ah oo Gurigeedii waddo Martay

Hargeysa (GNN)- Dawlada Hoose ee Magaalada Hargeysa Gaar ahaan Masuuliyiinta Degmmadda Ibraahim Kood-buur ayaa Deeq lacageed oo ay ku Guuraan ku wareejiyay qoys danyar ah oo deganaa wado bartankeed isla markaana u dhagax dhigay Goobtii ay degilahaayeen.

Qoyskan oo uu hore Xoghayaha Fulinta ee Dawlada Hoose Hargeysa Siciid Nuur Jaamac u Balan qaaday In ay u rarayaan sandaqadan ka dhex dhisan wadada sidoo kalena Caawinayaan ka Dawlad Hoose ahaan.

Gudoomiyaha Degmmadda Ibraahim Koodbuur Maxamed Salaan Maxamed (Subeer) Gudoomiye Xigeenka 1-aad Maxamed Iimaan Muxumed iyo Gudoomiye xigeenka 2-aad Sahra Maxamuud Nuur oo halkaasi ka Hadlay ayaa sheegay in ay Fulinayaan Balanqaadkii Gudida Fulinta Gaar ahaan Xoghaye Siciid Nuur Jaamac.

Geesta kale Hooyo Aamina Cabdi Faarax oo ah Masuulka Qoyskan Muwaadintiinta ah ee ay wadado martay iyo oday Cabdilaahi Xasan shaarubaale oo kamida Odayaasha Xaafada Sheedaha ayaa ka mahadceliyay Deeqdan ay Masuuliyiintan Dawlada hoose ku Wareejiyeen, faah Faahinta Warkaasi Halkan Hoose ka Daawo.