Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo Xabsiga u Taxaabtay Qoraa Cali Dool Axmed (Cali-Qoryooley)

Hargeysa (GNN)-Ciidamada Amaanka Somaliland ayaa Maalintii ciidul-adxa xabsiga utaxaabay qoraa/Siyaasi Cali Dool Axmed oo kamid ah dadka dhaliila Nidaamka Maamul ee Madaxwayne Biixi.

Xadhiga Qoraa cali-qoryoolay ayaa waxa shabakada Wararka Ee Wajaalenews u xaqiijiyey Ehelada Qoraa Cali Qoryoolay waxaanay sheegay In shalay oo ahayd Maalintii kowaad ee Ciidul-adxa 09-07-2022 Ay ciidamo Dharcad Ahi xabsiga utaxaabeen qoraaga iyaga oo ciidamadaas dharcada ahi ka qabtay xaafada jig Jiga yar gaar ahaan agagaarka Kaalinta Indha-Birta, ilamarkaana haatan uu ku Xidhan Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargaysa.

Geesta kale Ciidamada xidhay Cali-Qoryoolay ayaa la sheegay in aanay sifo sharci ah ama aanay sidan wax waaran soo qabasho ah oo ay ku soo xidhaan siyaasi Cali Dool Axmed iyada oo wakhtiga la xidhay ay ahayd xili dadku ay faraxsanyihiin oo loo dabaaldegayo Ciidii Carafo.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay Xadhiga Cali Qoryoolay, hase yeeshee Siyaasi Qoraa Cali Qoryoolay ayaa sedex cisho ka hor ka hadlay waraabinta dalka hadalkaasi oo uu ku dhaliilay xukuumada Madaxwayne biixi iyo sida ay marin habaabinayso qabsoomida doorashada Madaxtooyada ee umudaysan in la qabto13-Noveber.

Dhinaca kale Xukuumada Madaxweyne Biixi ayaa mudooyinkii u dambeeyay Bulshada ku dhaga barjaysay inay Furayaan Ururada Siyaadada kuwaasi oo uu Qoraa Cali-qoryoolay ku sheegay in aanay jirin ururo la furayaa balse xukuumadu ku raad gadanayso.

Ugu dambayn xadhiga Cali-qoryoolay ayaa loo malaynayaa in Xukuumadu qoontsatay hadalkiisaasi.

Wixii Warar ah ee Kasoo kordha Xadhiga Qoraa Cali-Qoryoolay waxaanu idiinku soo gudbin doonaa wararkeena dambe insha Allah.