Beesha Madigaan “Ansaar” ee Gobolka Gabiley oo Fariin u Diray Madaxda Xisbiyada Mucaaridka Jsl Kuna Baaqay Ilaalinta Nabada Dalka.

Hargeisa(GNN):-Madax dhaqameedka iyo odayaasha beesha madigaan “Ansaar” oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada gabiley ayaa waxaa ay beeq cod dheer ugu direen madaxda xisbiyada mucaaridka somaliland oo wali ku baaqaya in la sii wado mudaharaadada aynu ognahay natiijadii shalay ka dhalatay ee ay ku dhiteen dad aan waxba galabsan oo habeenkii xalay ahaa ay qoysaskooda usoo hoyatay geeri naxdin aan cid uga garaabaysaana jirin.

Waxaana ugu horey ka hadlay
Suldaan Muuse Faarax Obsiiye
Cheif Caaqil Maxamuud Muxumed Baxar
Caaqil Cali Barre
Caaqil Muxumed Faarax
Iyo sh C.raxmaan dheere oo kamid ah culima awdiinka beesha

Waxaana haldoorka beeshan oo warbaahinta la hadlay ay sheegeen in dalka somaliland wakhti xaadirkan uu ku jiro wakhti adag oo abaar baahsani ka jirto dalka, sidaa darteedna ay xisbiyda mucaaridku halkii ay uga gurman lahaayeen dadkooda ay ugu baaqayaan dagaal iyo khasaare la mid kuwwii shalay dadku ku dhinteen oo kale.