Ciidamada Booliska Gabiley oo Xabsiga u Taxaabay Masuul ka tirsan Xisbiga Waddani.

Gabiley(GNN):- Ciidamada Booliska magaalada gabiley ayaa wararku tibaaxeen  in Xabsiga loo taxaabay caawa fiidkii hore Siyaasi Maxamed C.laahi obolos oo ah madaxa wacyigalinta gobolka gabiley ee Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Xadhiga siyaasigan ka tirsan xisbiga waddani ayaa ka danbeeyey kadib markii maanta uu ka hadlay xaaladaha taagan wakhtigan sidoo kale uu fariimo dhaliilo ah u diray badhasaabka gobolka gabiley iyo wasiirka isgaadhsiinta somaliland.

Si aanu wax uga ogaano cida bixisay amarka lagu xidhay siyaasiga, Wasiirka Wasaarada isgaadhsiinta jsl Dr Cabdiweli Sh Suufi Jibriil oo Gabiley News khadka telefoonka kula xidhiidhay si ayaa sheegay inaanu isagu xidhan balse uu xadhiga masuulkani ka yimid maamulka gobolka gabiley.

Dhinaca kale Badhasaabka Gobolka Gabiley Cabdiqani Maxamuud jiidhe oo ah masuulka ugu sareeya dhinaca amniga ee gobolka gabiley oo aanu isku daynay inaanu arrintaa wax ka waydiino khadka Telefoonka kama uu jawaabin.

Wararka Gabiley News soo gaadhay ayaa intaa ku daray in isla saacadii la xidhayba masuulkan ka tirsab xisbiga waddani ee gabiley ay ciidamada boolisku usoo qaadeen magaalada caasimada ah ee hargeisa, kuna xidhan yahay xarunta Baadhista dambiyada ee C.I.D

Ma jiro ilaa hadda war rasmiya oo kasoo baxay xadhiga siyaasi maxamed C.laahi Obolos, walina kama ay hadal maamulka gobolka gabiley iyo cidda xadhigiisa ka dambeysay.

Halkan hoose ka daawo warka sababay xadhiga siyaasi obolos ee uu maanta bixiyey.

 

Gabiley News Network.