Kumuu ahaa Marxuum General Fadhi-Ku-Salaan oo Hargeysa Aas Qaran loogu Sameeyey?

Hargeysa (GNN)- Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxa maanta aas Qaran loogu sameeyey Allah ha u naxariistee Marxuum General Maxamed Jaamac Warsame (Fadhi-Ku-Salaan) oo Salaasadii shalay geeriyooday.

Aaska Marxuumka waxa ka Qayb-galay Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qaranka, Mujaahidiin, madax-dhaqameed, Siyaasiyiin iyo Dadweyne tiro badan.