Waa Kuma Muwaadinka Uga Soo Boqoolay Dalka Kiiniya Si uu u Dhiirigaliyo Maayir C/kariim Axmed Mooge?

Hargeisa(GNN):- Muwaadin bashiir Cali diiriye oo kamida muwaadiniinta reer Somaliland ee ku nool dalka kenya ayaa dhawaan dalka u yimid sidii uu u dhiirigalin lahaa uguna garab istaagilahaa dadaalka iyo waxqabadka horumarineed ee uu caasimada ka waddo maayir C,kariim Axmed mooge oo bulshada caasimada hargeisa codkii ugu badnaa ku siiyeen kalsooni sii waxqabad ugu sameeyo caasimada.
Dadka Qaar ayaa laga yaabaa inay is waydiiyaan tolow ma reernimo iyo tolnimo ayuu ku taageeray maayirka caasimada?
Jawaabta su’aashaasi waxay tahay muwaadin Bashiir Cali Diiriye inuu yahay Deegaan ahaan muwaadin kasoo jeeda Gobolka maroodijeex gaar-ahaan Caasimadda Hargeysa lakiin aanay jirin hayb iyo reernimo midaysa Isaga iyo Maayir Mooge.
Balse taas bedelkeeda Bashiir waa muwaadin tusaale nool u noqon kara dad badan oo fahanka reernimada iyo qabiilku kala waynyihiin dareenkii iyo damacii muwaadinimo, waxaa uu sheegay in sababta ugu weyn ee dalka uu u yimid ay tahay dareen iyo garab istaag uu aad ugu farxay in shaqsi ay shacabka Hargeisa doorteen oo waxqabadkiisa iyo weedhiisu is waafaqsanyihiin Caasimadii ilahay usoo diro, waxaana kulamo dhexmaray isaga iyo Maayirka uu aad ugu amaanay ilahayna ugu baryey inuu ku guuleeyo hawlaha baaxada leh ee uu ka wada Magaalada Hargeisa.

qoraal kooban oo uu bartiisa Facebook ku baahiyey Abdirahim Ismail (Cabdiraxiim Xaashi Bacado) xoghaya Gudida Horumarinta Degmada ibraahim Koodbuur oo ay Family dhaw-yihiin ayaa Galabta ku booqday Bashiir Cali Diiriye Hotelka uu ka degan yahay Hargeisa, waxaanu u dhignaa qoraalkii Cabdirixiin Xaashi Bacado sidan:-
“Aniga oo ah xoghaya Gudida Horumarinta Degmada Ibraahim Koodbuur matalaayana dhamaan gudiyada horomarinta ee Caasimada Hargaysa waxa aan galabta ku booqday hudheelka uu deganyahay Adeer Bashiir Cali Diiriye aniga oo ugu mahad celinaaya dhiiri galinta iyo garab istaaga uu u muujiyay Maayirka Caasimada JSL Md. Cabdikariim Axmed Mooge liibaan”.
Hadaanu nahay gudiyadii horomarinta ee sida tabaruca ah ula shaqaynaysa D.H.H hoose waxa aanu ku leenahay waad Mahadsantahay 100% MUWAADIN.”…… Abdirahim Ismail (Cabdiraxiin Xaashi Bacado)

Exit mobile version