Ded Deg: Geeri Naxdin-leh ayaa ka dhacday Garoonka Diyaaradaha ee Jig-Jiga.

Jig-Jiga (GNN)- Shaqaaqo maanta galabtii ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiil-waal ee Magaalada Jigjiga Taasi oo Sababtay Dhimasho iyo Dhaawacba.

Maxammed Xasan oo ah Komishineerka komishinka Booliska DDS oo la hadlay Warbaahinta Deegaanka ee SRTV ayaa sheegay In Askari ka tirsan Ciidanka ilaalada Garoonka uu xabad ku furay Dadweynihii ka Safraayay Garoonkaasi halkaasina ay ku geeriyootay Alle ha u Naxariistee Xildhibaan Jaweeriya Subcis oo kamid ahayd Xildhibaanada Fedaraalka Ethiopia.

Geesta kalena waxa ku dhaawacmay saddex qof oo kale, walaw aanu Komeshinerku uu dadka dhaawaca ah ka xusay Maareeyaha Garoonka Garaad wiilwaal balse aanu sheegin labada qof ee kale ee dhaawaca ah.

Komishineerku waxa uu sheegay in ay socdaan baadhitaano la xidhiidha arintan Naxdinta-leh ee halkaasi dhacay isla markaana bulshada loo soo bandhigi doono.

Ugu danbayn xaaladda garoonka ayaa caadigeedii kusoo laabatay kaddib markii ay ciidanka boolisku gacanta ku dhigeen askarigii falkani ku dhaqaaqay, Hadalkii Komishineerka oo aad u kooban halkan Hoose ka daawo.

Exit mobile version