60 Qof Oo Si Badheedh ah Loogu Dilay Somaliland + Tirada Dambiyada Dhacay Sannadkan 2022

Hargeysa (GNN)- Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa sheegay in sannadan 2022, ay Somaliland ka dhaceen 27,801 danbi oo iskugu jira dilal, kufsi, shilal, caruur la tuuray, ka ganacsiga maandooriyaha iyo kuwo kale.

Hoggaanka Howlaha Ciidanka Booliiska Sarreeye guuto Ibraahin Cabdi Xaaji Maxamuud, ayaa tirada danbiyada iyo noocyadooda ka akhriyay munaasibad loo qabtay sannad-guurada 29aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Booliiska Somaliland.

https://youtu.be/7_RMIW4CSf4

Exit mobile version