Ergada Dhexdhexaadinta Xukuumada iyo Mucaaradka oo Madaxweynaha Somaliland Inaanu Dirin La Sheegay

Xoghayaha abaabulka iyo wacyigelinta xisbiga KULMIYE, Mudane Saleebaan Siciid Cali, ayaa si adag uga jawaabay hadallo sharciyadda ka baxsan oo ay xalay ku dhawaaqeen hoggaanka sare ee axsaabta mucaaridka ah ee WADDANi iyo UCID.

Xoghaye Saleebaan oo maanta saxaafadda kula hadlay xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa ugu horrayn labada xisbi mucaarid uga digay durbaanka colaadda ee ay garaacayaan iyo kala irdhaynta midnimada bulshada walaalaha ee reer Somaliland.