Saxafi Sadqeeyey Milgihii Saxafinimo & Falalka uu Caadeystay.

“Kabashada Cilmiga Gaaban Waa Lagu Kadeedmaa”

Hargeisa(GNN):-Saxaafada Somaliland oo labaatankiis sano ee u danbeeyey mar heer soomaraysay ayaa kusoo barbaartay karaamada iyo habdhaqanka suuban ee ay kula macaamilaan bulshada maadaama ay yihiin kuwa ay igu dhegaystaan ee wax u gudbiya si aanay u noqon kuwo lumiya kalsoonida shacabka dhegaystayaasha ama daawadayaasha u ah.

Sannadihii ugu danbeeyey waxaa saxaafada Somaliland soo galay shaqsiyaad usoo galay xirfada warbaahinta inay shaqo ka dhigtaan oo u adeegsada qaabab qaloocan oo lidi ku ah habdhaqankii suubanaa ee lagu yaqaanay warbaahinta.

Luqmaan Maxamed faarah oo wariyeyaasha raad baradka ah ee sannadihii ugu danbeeyey ku dhex jiray warbaahinta ayaa waxaa dibeda usoo baxay falal noocoodu ku cusub yihiin dariiqii lagu yaqaanay warbaahinta soomaalida oo ceeb iyo foolxumo weyn ku ah qiyamkii dadnimo iyo suxufinimo.

Wiilkan ayaa sabab u noqday isku dhaca masuuliyiin xukuumada Somaliland ka wada tirsan kadib markii uu telefoonkiisa codad kaga duubay gudoomiye ku xigeenkii hay’ada dhawrista tayada Somaliland oo ay wada xamanayaan gudoomiyihii ka sareeyey ee hay’adaasi, waxaan codkii uu ka duubay luqmaan gudoomiye ku xigeenkii uu u gudbiyey Gudoomiyihii hay’ada dhawrista tayada Somaliland imikana ah gudoomiyaha Komishanka Somaliland, waxaana codkii sababay in ay isku dhacaan labadii masuul ilaa heer uu gaadhay in shaqadii uu ka joojiyo gudoomiye ku xigeenkii kadibna laysula tagay madaxweynaha jsl mudane muuse biixi cabdi oo dhegaystay codkii wariye luqmaan iyo gudoomiye ku xigeenku xamanayeen gudoomiyaha taas oo inta badan wax iska dhaca ah in lays xanto balse ay anshixii saxaafada Somaliland ceeb ku tahay in masuul kuu waramay aad qaab tuugo ah inta aad cod uga duubto u gudbiso qofkii wax laga sheegayey.

Waxaana arrintaasi sababtay in gudoomiye ku xigeenkii hay’ada dhawrista tayada Somaliland sidaa shaqadiisii ku waayo, xilkana laga qaado.

Kadib Markii uu ficilkaa ku kacay wariye luqmaan waxaa isaguna talaabo uu kagaga aarsanayo gudoomiye ku xigeenkii hay’ada dhawrista isagoo ka hor istaagay shahaadada jaamacada new generation university oo gudoomiyaha jaamacada yahay masuulkan uu xilka ka duubay wariye luqmaan isagoo isaguna ahaa ardaydii sannadkan ka baxday jaamacada new generation ee uu gudoomiyihiisii kula kacay falka noocan isagoo kagaga xishoon waayey maamuuskii iyo qadarintii inuu ku qiimeeyo jaamacada uu dhigto iyo macalinkiisa inuu kula kaco fal noocaas ah.

Waxaana Talaabadaa kadib uu dacwad ka furtay hay’adaha dambi baadhista masuulkan uu falkaa kula kacay wariye luqmaan iyadoo loosoo jaray waaran qabasho kadib markii uu dhawr jeer oo yeedhay uu iman waayey, waxaana taasi sababtay inuu dalka ka fakado uu noqdo dibed meer ka baxsada sharci kadib markii uu ku kacay foolxumadaa qaawan ee ku cusub warbaahinta.

Dhinaca Kale Wiilkan ayaa Caadeystay in masuulka warka siin waayo uu taa badelkeeda ka shaqeeyo aflagaadeyntiisa iyo ceebo aanu lahayn masuul oo baraha bulshada kusoo xarxariiqo.

Inkasta oo aaney jirin wali talaabo ay ka qaadaan saxafiiyiinta ku gafa mihnada saxafinimo ururkii u xilsaarnaa saxafiyiinta Somaliland ee solja oo aaney awoodaasi lahayn haddana falkan noocan ahi waa mid aan qofna u dul qaadan Karin iyadoo aaney meelna kagaga jirin in loo kala fataalo laba masuul oo loo kala waramo.

Si kastaba ha ahaatee wiilkan ayaan haba yaraatee wax kalsooni ah ku qabi Karin masuuliyiinta xilalka kala duwan haysta maadaama oo uu ku kacayo dhaqamada noocan ah oo ceeb ku ah milgihii saxafinimo.

Waxaana markii arrintani dibeda usoo baxday is wada gaadhsiiyey badi masuuliyiinta dawlada taas oo sababtay in aan cida war u dhiibin ama aaney siinin waraysi, taasina waata keentay inuu ka cararo dalka.

 

 

W/Q:- Prof Mursal M Jama.