Somaliland: Masuul Kartidiisa iyo Wax-qabadkiisa Looga Markhaati-kacay Oo Xilka Wareejiyey

Agaasimihii Guud ee Wasaaradda horumarinta Maaliyadda JSL ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyey agaasimaha guud ee dhawaan loo magacaabay wasaaradaas.

Masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ka markhaati-kacay kartidii uu shaqada u lahaa iyo wax-qabadkii uu wasaaradda ku soo kordhiyey Agaasime Maxamed Cabdi Gurxan oo muddo 4 sanno ku dhow xilaka hayey.