Somaliland: Xil-ka-qaadis Hadal Hayn Abuurtay iyo Xogaha Ku Gedaaman – WARBIXIN

Hargeysa (GNN)- Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Maxamed Cabdi Gurxan, ayaa Sabtidii shalay si rasmi ah Xilka ugu wareejiyey Agaasimaha Cusub ee Dhawaan loo magacaabay wasaaraddaas.

Munaasibadda Xil-wareejinta Waxa ka qayb-galay Wasiirro, Wasiir ku-xigeenno, Agaasimeyaal, Guddoomiyeyaal hay’ado dowladeed iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo hadallo ay ka jeediyeen xil-wareejinta isaga daba-mariyey bogaadin iyo ammaan ay u jeediyeen agaasimihii hore ee Wasaaradda oo ay Qireen inuu wax-qabad badan oo Qaranka wax-tar u leh ku soo kordhiyey wasaaradda Horumarinta Maaliyadda muddo Afar sanno ku dhow oo uu xilkaas hayey.

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamij Kooban oo si guud-mar sharraxaad uga bixinaya waxqabadka Agaasimihii hore iyo Hawl-karnimo ay u markhaati fureen masuuliyiinta Dowladda Somaliland.

Muuqaalka Hoose Ka Daawo Warbixintan.