Muxuu Madaxweyne Muuse Biixi Ku Soo Kordhiyey Ciidanka Qaranka Somaliland?

Hargeysa (GNN)- Maalintii shalay waxa ay ku beegnayd 29-guurada Ciidanka Qaranka Somaliland oo xaflad ballaadhan loogu dabbaal-degay munaasibad ku qabsoontay duleedka magaalada Laascaanood.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ka warbixiyey waxqabadka u soo qabsoomay shantii sanno ee u dambeeyey oo ku beegan laga soo bilaabo markii xilka madaxweynaha loo dhaariyey Md Muuse Biixi Cabdi bishii November sannadkii 2017-kii oo ay ka soo wareegtay muddo shan sanno iyo dheeraad ah.

Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, waxa uu sheegay iyagoo isku tashanaya ay dib u habayn ku sameeyeen shan urur oo madaafiicda goobta ah oo shaqeynaya, sidoo kalena dayac-tir lagu sameeyey laba urur oo Tawaangida ah.

Dhinaca dhismaha ayuu sheegay Taliye Nuux in la soo kordhiyey laba iyo lixdan dhisme cusub kala duwan oo isugu jira hangaro, xafiisyo, guryo la seexdo iyo kuwo kale.

Taliye Nuux wuxuu xusay in horumarka Ciidanka Qaranku gaadhay mudooyinkii u dambeeyey aad u badan yihiin, waajibaadkooduna aanu ku ekeyn difaaca xuduudaha dalka, balse ay ka qeybqaataan arrimaha bulshada marka loo baahdo.

Muuqaalka Hoose Kaga Bogo Khudbadda Taliyaha Ciidanka Qaranka