Baanka Dhexe Qaranka Somaliland oo Soosaar Sharciyo Cusub oo Lagu Hagayo Qiimaha Sarifka Digniina u Diray Cid Gaara.

Hargeisa(GNN):-Madaxda sare ee Baanka dhexe ee Somaliland, ayaa soo saaray go’aamo ku socota Sarrifleyaasha Dalka qaarkood, kuwaasi oo baalmaray Qiimaha Sarrifka ee Baanka dhexe u jaan-gooyey inay ku sarrifaan Lacagta Dollarka iyo Shilinka Somaliland.

Shir ay Magaalada Hargeysa ku yeesheen Madaxda Baanka dhexe ee Somaliland oo uu hoggaaminayo Agaasimaha guud ee Baanka dhexe Maxamed Qaasim iyo Ururka Sarrifleyaasha Dalka, ayaa si Wada jir ah u qabteen Shir-jaraa’id, kaasi oo ay farriin ugu direen sarrifleyaasha baal-maray Qiimaha saxda ah ee Baanku u dejiyey in lagu sarrifo Lacagaha Qalaad iyo Shilinka Somaliland.

Ugu horrayn, Agaasimaha guud ee Baanka dhexe Maxamed Qaasim oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inay Maalmihii u dambeeyay soo baxeen Sarrifleyaal Lacagta Dollarka ku Sarrifa Qiimo ka duwan ka sharciga ah oo ah in Boqolkii Dollar lagu Sarrifo 850.000 Shilin (Gacanta hore) Gacanta dambana lagu iibiyo 870.000 kun, sidaa darteed Baanka oo ka war hayaa uu laga bilaabo Maanta Tallaabo Sharciya ka qaadayo Sariiflaha Lacagta ku beddela Qiimo ka duwan kaa sharciga ah ee Baanku jaan-gooyey.

Halkan Hoose Ka Daaw Muuqaalka Warkan Oo Faahfaahsan.