Horumarka Dekedaha Somaliland oo Saamaxaya Fursadaha Maalgashi ee Beesha Caalamka…Faallo.

Berbera(GNN):-Dawlada Somaliland ayaa Sanadihii ugu danbeeyey horumar laxaad ka sameynaysa Dhinaca dekedaha oo ay ugu horayso dekeda caalmiga ah ee berbera oo qayb ka noqotay dekedaha lagu kalsoon yahay ee ka jira geeska Africa islamarkaana ay kusoo dhiiradeen maalgashadayaal farabadan oo isha ku haya fursadaha ganacsi ee ka banaan marsada caalamiga ah ee berbera oo ku taala marin muhiim u ah geeska Africa.

Maareeyaha Dekedaha Somaliland Mudane Siciid Xassan C,laahi oo ah masuulka majaraha u haya dekedaha Somaliland islamarkaana u maamula guud ahaaan dekedaha Somaliland ayaa kamida shaqsiyaadka ku tilmaaman horumarka iyo qorsheyaasha lagu hagayo dekedaha Somaliland oo uu dadaal badan galiyey, marka laga yimaado Shirkada maalgalinta ku sameysay dekeda berbera ee DP Work oo iyaduna qayb weyn ka ahayd ibo furka kor u kaca horumarineed ee dekeda magaalada berbera, haddana waxaan la hilmaai Karin doorka maareeye siciid Xassan c,laahi oo ah shaqsi ku sifoobay hawlkarnimo iyo dadaal ay u dheer tahay daacad uu u yahay qaranka Somaliland oo uu ugu adeego inta ugu badan wakhtigiisa, taasina waata keentay in lagu kalsoonaan karo dekedaha Somaliland horumarka intaas leegna ay ku talaabsadaan.

Dekedaha Magaalada Berbera ayaa Tan iyo Intii dib u habaynta caalamiga ah lagu sameeyey ay marba marka ka danbeysa oo kordhayeen dhaqdhaqaa ganacsiyeed iyo shaqada ay bulshada u hayso dekeda berbera oo saamaxday in ay saddex jibaaranto xadigii  wax lagala soo dagji jiray.

Sidoo kale Intii uu Xilka Hayey Maareeye Siciid Ayaa Ay Qaranka Somaliland u suurto gashay in Dekedaha Caalamiga ah ee Berberi yeelato qalab casriya oo la jaanqaadaya kuwa caalamiga oo fududeeyey adeegyada kala duwan ee laga soo dajinayo dekeda berbera iyo kuwa laga dhoofiynayo.

Sidoo kale waxaa iyaduna jirta balaadhin heer caalami oo mudadaa kooban lagu sameeyey dekeda berbera oo ka baaxad weyn dekedii hore qaranka Somaliland adeegsan jiray, iyadoo ay ku baxday lacag malaayiin dollar oo lagu sameeyey dhismaha dekeda.

Horumarkan Balaadhan ee ay ku dhaqaaqeen dekedaha Somaliland oo ay ugu horeyso dekeda Caalamiga ah ee Magaalada Berbera ayaa Noqonaya Kuwo ay kusoo dhiiradeen wadamada caalamka ee isha kuhaya fursadaha maalgashiyeed ee ka banaan Dekeda berbera oo ilahay dhigay dariiq isrtaraatijiya oo geeska Africa kasoo dhex muuqday.

Dadaalada horumarineed ee ay ku talaabsadeen Dekedaha Somaliland Ayaa Ku Tilmaaman Maareeye Siciid Xassan C,laahi oo wakhtigiisa ugu badan galiyey hagida qorsheyaasha kala duwan ee  qaranka Somaliland ku horumarinayo dekedaha somaliiland, taasina waata saamexday in rasyalwasaaraha dawlada ingiriisku uu ku amaano waxqabada muuqda ee ay ku talaabsatay dekeda berbera oo la jaanqaadaysa kuwa caalamiga ah.