Maxaa Sabab u ah Khilaafaadka Soo Noqnoqday Ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland

Maxaa Sabab u ah Khilaafaadka Soo Noqnoqday Ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somalilan.

 

Hargeisa(GNN):-Tan iyo markii madaxweynaha jamhuuriyada somaliland mudane muuse biixi cabdi usoo magacaabay wasaarada waxbarashada iyo sayniska wasiir toorno waxaa wasaaradu la kowsatay khilaafaad maamul oo soo noqnoqday, kaas oo ubucda khilaafku marwalba uu ka bilaabmayey isfaham la’aan dhinaca shaqada ah iyo arrimo la xidhiidha dhaqaale,

Tiraba ilaa saddex agaasime iyo wasiir ku xigeenkii hore wasaarada waxbarashada waxaa khilaaf ka dhex dhacay wasiirka wasaarada waxbarashada iyadoo badiba ay aad ula yaabeen shaqaale waynaha wasaarada waxbarashada somaliland.

Wasiir toorno oo aan fahan badan ka haysan shaqada wasaarada waxbarashada somaliland ayaa ilaa afar jeer oo kala duwan waxaa uu isku bedelo kala duwan ku sameeyey agaasime waaxeedyada wasaarada waxbarashada isagoo meelaha gaarka ah ee uu aadka u danaynayey ay kamid ahayd waaxda maaliyada ee wasaarada oo uu hadba keensado shaqsiyaad isaga aad ugu dhego nugul oo uu ku fushado arrimaho lunsiga dhaqaale ee wasaarada waxbarashada somaliland.

Baadhitaano kala duwan oo Xafiiska Hantidhawrka guud ee qaranka somaliland ku sameeyey wasaaarada waxbarashada somaliland intii uu haystay wasiir toorno waxaa soo baxay lunsiga dhaqaale aad u tiro badan iyo wax isdaba marin aan xadi layn oo raadadkeedu galeen masuulka ugu sareeya wasaarada waxbarashada somaliland mr Toorno.

Waxaana Baadhitaanadaasi hore sababeen in xilalka laga qaado ilaa saddex agaaasime waxeed hore oo soo maray waaxda maaliyada ee wasaarada waxbarashada somaliland.

Iyadoo loo tirinayey inay fududeeyeen dhaqaale sifooyin khaldan loo isticmaalay oo gaadhay heer ay isku qabtaan madaxdii wasaaradu oo u danbeeyey wasiirka wasaarada waxbarashada iyo agaasime Axmed Abokor Maxamed oo markii danbe madaxweyne biixi u bedelay wasaarad kale.

Arrinta ugu badan ee marwalba sababta u ah khilaafka wasaarada waxbarashada somaliland ayaa salka ku haysa lunsiga dhaqaale sifo khaldan loo isticmaalo.

Talaabooyinka Soo noqnoqday ee noocaas ah oo sababay heer ay wasaarada waxbarashadu gaadho in ilaa pageskii wasarada waxbarashada lagu kala qaybsamo oo ay badiba kasoo hor jeedsadaan waaxyaha wasaarada waxbaraashadu masuulkii ugu sareeyey ayaa wakhtigan uu jiraaa ficilo lamid ah kuwaa hore oo kale.

 

Maxaa Wakhtigan Sababay In Markii Wasaarada Waxbarashada Somaliland uu Xafiiska Hantidhawrka Qaranku Ka Bilaabay Baadhitaanka in Wasiir Toorno uu Soo Saaro Warqad uu Ku Kala Bedelayo Madaxdii Waaxyaha Wasaarada ilaa uu gaadhay inuu yidhaa waxaan xilkii ka qaaday Gudoomiyaha Xafiiska Imitixaanaadka oo ah Waax ka Madax Banaan Maamul ahaa Shaqada Wasaarada Waxbarashada oo ah Goobo xasaasi ah.

Kadib Baadhitaan Baadhiseed oo uu xafiiska hantidhwarka qaranka bilaabay wasaarada waxaa uu wasiirka wasaarada waxbarashadu isagoo luminaya raadadka musuqmaasuq ee ka dhacay wasaarada waxbarashada soosaaray qoraal uu ku sheegayo inuu agaasimihii Waxaada maaliyada yidhaa waxaan u bedelay Xafiiska imitixaanaadka qaranka somaliland, balse ay u suurto galiwayday marka la raaco nidaamka baadhitaanada caalamiga ah ee dhigaya in xafiis la baadhayo aan la bedeli karin masuulka ugu sareeya meel kalena aan loo diri karin ilaa ay ka dhamaanayso shaqada baadhitaanka ee lagu wado.

 

Shaqaalaha Wasaarada waxbarashada somaliland oo aad uga warqaba Ficilada wasiirka waxbarashada oo aan imika ahayn kuwo bilow ayaa aad ula yaabay go’aanka uu wasiir toorno kalidii qaatay ee aanu cidna kala tashan ee uu ku sheegay in uu xilka ka qaaday gudoomiye Daauud Axmed Faarax oo ah Shaqsi rugcadaa ah oo Shaqada Xafiiska imtixaanaadkana daacad u ah Taasina waata keenay in Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland uu soo gaadho Heerka ilaa ay aqoonsadaan Shahaadadiisa Wadamo badan oo caalamka.

 

Si Kastaba ha ahaatee Shacabka Somaliland oo aad uga gadooday Talaabada wasiir toorno sheegay inuu xilka kagaga qaaday Gudoomiye Daauud Axmed Faarax oo Shaqsi Khamiir aaanu la’aantii suurto galin karin Imtixaanaadka Qaranka Somaliland ayaa usoo jeediyey in Wasiirki uu ku degdegay Arrintaasi islamarkaana uu ka laabto talabada uu sheegay inuu xilka ka qaaday gudoomiyaha inkasta oo la dhexgalay wasiirka iyo gudoomiyaha xafiiska Imtixaanaadka qaranka haddan wali Wasiir toorno waxay u muuqataa inuu waddo talaabooyin uu ku luminayo kalsoonidii xafiiska imitixaaanaadka qaranka somaliland oo ah Meelaha Gaarka ee Somaliland sida weyn looga yaqaano islamarkaana kalsoonida ugu badan lagu qabo, isagoo wasiirka wasaarada waxbarashada somaliland ilaa hadda uu hadba soosaarayo warqad yar oo ka turjumaysa mid shacabka iyo ardayda sugaysa ku furta tashuush lagu khalkhal galinayo Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland.

 

M.m nour.

Exit mobile version