Baanka Dhexe Qaranka Somaliland Oo Abaalmariyey Shaqaalihii ugu Dadaalka Badnaa Sanadkii Ina Soo Dhaafay.

Hargeisa(GNN):-Baanka Dhexe ee Somaliland, ayaa maanta maamuusay xubno ka tirsan Shaqaale-weynaha Baanka ee ka hawl-gala gobollada dalka, kuwaas oo lagu qiimeeyey Hawl-karnimo iyo Shaq-wanaag ay muujiyeen sannadkii hore.

Abaal-marinta Shaqaalaha Baanka oo ku timi natiijada Qiimeyn jaran-jarooyin kala sarreeya soo martay oo ay samaysay Waaxda cududda Shaqaalaha ee Baanka Dhexe, ayaa ka qabsoontay Xarunta Baanka Dhexe, waxaana goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cali Cabdilaahi Daahir, Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil, Agaasimaha Guud ee Baaaanka Dhexe Maxamed Qaasim, Agaasime-waaxeedyada, Maamuleyaasha Gobollada dalka iyo Shaqaale-weynaha Baanka Dhexe.

Baanka Dhexe ee Somaliland, ayaa maanta maamuusay xubno ka tirsan Shaqaale-weynaha Baanka ee ka hawl-gala gobollada dalka, kuwaas oo lagu qiimeeyey Hawl-karnimo iyo Shaq-wanaag ay muujiyeen sannadkii hore.

Abaal-marinta Shaqaalaha Baanka oo ku timi natiijada Qiimeyn jaran-jarooyin kala sarreeya soo martay oo ay samaysay Waaxda cududda Shaqaalaha ee Baanka Dhexe, ayaa ka qabsoontay Xarunta Baanka Dhexe, waxaana goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cali Cabdilaahi Daahir, Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil, Agaasimaha Guud ee Baaaanka Dhexe Maxamed Qaasim, Agaasime-waaxeedyada, Maamuleyaasha Gobollada dalka iyo Shaqaale-weynaha Baanka Dhexe.

https://youtu.be/WAOZ5dWNadI

“Kulankani wuxuu ahaa mid uu Agaasinku isugu yeedhay maamuleyaasha laamaha Baanka Dhexe ee gobollada si ay isu xog-warraystaan, markaa annagaa ka codsannay agaasinka in lanoo dhex-raaciyo Abaal-marinta shaqaale weynaha Baanka oo sannad walba horaantiisa la qabto,” Sidaas ayey tidhi Khadra Daa’uud, madaxa Shaqaale-weynaha ee Baanka Dhexe.

Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe Maxamed Qaasim, ayaa bogaadiyey hawsha ay Baanka Dhexe u hayso agaasimaha waaxda cududda Shaqaalaha Khadra Daa’uud oo soo diyaariyey Abaal-marinta shaqaalaha hawl-karnimada lagu majeertay.

“Waxaan ku faraxsanahay hawsha ay soo diyaarisay Khadra oo ka mid ah dadka aanu sida wanaagsan isu barannay maadaama oo aan idinku cusubahay,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe oo intaas ku daray muhiimadda ay hawlaha Baanka Dhexe u leedahay wada-shaqeynta iyo daacadnimada hawl-wadeennada.

Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe ayaa ka warbixiyey dariiqa loo maray Qiimeynta Shaqaalaha Baanka Dhexe, waxaanu yidhi, “Waan ku faraxsanahay inuu Agaasimaha Guud qiro hawsha ay Khadra hayso culays fara badanina wuu ku dhacay markii ay qiimeynayeen Lixdankaas qof, waayo qiimeynta shaqaaluhu waa shaqo aad u culus oo ah in foormkii la diro oo la soo buuxiyo oo masuulkii madaxda u ahaa qofka shaqalaha ah uu soo gudbiyo, dabadeedna laysla eego sii qiimeyntu caddaalad u noqoto.”

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Dr Cali Cabdilaahi Daahir, ayaa dhankiisa weedho dhiirrigelin ah ka jeediyey kulanka lagu abaalmariyey hawl-wadeennada Baanka Dhexe ee shaqo-wanaagga Muujiyey sannadkii hore.

“Baanka Dhexe wuxuu leeyahay hab-dhaqan gaar ah oo ah walaaltinimo, wada-shaqayn is-ixtiraan, Aqoon iyo dedaal. Waxa innagu waajib ah inay xoojinno oo joogtayno hab-dhaqanka fiican ee lagu yaqaano Shaqaalaha iyo madaxda Baanka Dhexe,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cali Cabdilaahi Daahir.

Gebo-gabadii munaasibadda waxa shahaaddooyin la guddoonsiiyey shaqaalaha Baanka Dhexe ee shaqo-wanaagga iyo hawl-karnimada Muujiyey Sannadkii hore.