Guddoomiye Cali Xaamuud oo Muddo Kaddib Hargeysa Lagu soo Dhaweeyey

Hargeysa (GNN)- Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Cali Xaamud Jibriil oo muddooyinkii u dambeeyey socdaal ugu maqnaa dalalka dibadda, ayaa maanta lagu soo dhaweeyey Hargeysa.

Soo-dhaweynta Guddoomiyaha waxa ka qayb-galay shir-guddoonka iyo mudaneyaasha golaha Wakiillada iyo dadweyne kale ayaa madaarka caalamiga ah ee Hargeysa ku soo dhaweeyey guddoomiye Cali Xaamud.