“Umad dhibi haysato in laga dulqaado waxa loo maraa dhib badan” -Maayarka Hargeysa

Maayirka Caasimadda Hargeysa, Cabdikariim Axmed Mooge oo Hadal ka jeediyey Munaasibad xalay lagu daah-furay Buug uu qoray Mujaahidka weyn Maxamed Baashe Xaaji Xasan, ayaa bulshada Somaliland ku dhiirrigeliyey inay ilaashadaan qaranimadooda.

Maayirka Caasimadda Hargeysa wuxuu shacabka ugu baaqay inay meel uga soo wada-jeestaan cid kasta oo qaranimada liddi ku ah.