Wafti uu Hogaaminayo Maareeyaha Dekedaha Somaliland Mudane Saciid Xasan C.laahi Oo Wacyigalin Qaadashada Kaadhka Doorashada Ka Bilaabay Deegaano Hoos Yimaada Gobolka Saaxil..

Wafti uu Hogaaminayo Maareeyaha Dekedaha Somaliland Mudane Saciid Xasan C.laahi Oo Wacyigalin Qaadashada Kaadhka Doorashada Ka Bilaabay Deegaano Hoos Yimaada Gobolka Saaxil..

Berbera(GNN):- Nuxurka Qoraak kooban oo uu ku baahiyey bartiisa facebook Mareeyaha Dekedaha Somaliland Mudane Siciid Xassan C.laahi ayaa uu kagaga waramay wacyigalintan ay ka bilaameen deegaanada hoos yimaada Gobolka Saaxil waxaanu u dhignaa sidan…”Waxa aannu Kormeer ku tagnay Magaalooyinka Lafaruug iyo Abdaal ee Gobolka Saaxil.

Kormeerkan oo aannu ku wacyi-galinaynay bulshada ku dhaqan Deegaanadaas muhiimada ay leedahay qaadashada Kaadhadhka codbixinta Doorashooyinka.”

Mareeyaha Dekedaha Somaliland siciid xasan ayaan bulshada deegaanadaasi uu kormeerka kusoo maray ku wacyigaliyey sidii ay u qaadan lahaayeen kaadhka codeynta kaas oo ah xuquuq uu muwaadin kastaa xaq u leeyahay inuu codkiisa wax ku doorto lana doorto.

Waxaanu bulshada kula dardaarmay in ay ka faaiidaystaan wakhtiga kooban ee ay socoto hawsha diwaanlinta kaadh qaadashada oo ka bilaabantay guud ahaan gobolka saaxil.

https://fb.watch/kYD1PCRKKI/?mibextid=NnVzG8