Wasaaradda Waxbarashada Oo Muddeysay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dalka iyo Tirada Ardayda U Fadhiisanaysa

Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland ayaa si rasmi ah u shaacisay xilliga uu bilaabmi Doono Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Fasalada siddeedaad ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Fasallada afraad ee Dugsiyada Sare.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo Madaxa Xafiiska imtixaanaadka Daa’uud Axmed Faarax oo si wada-jir ah warbaahinta ugula hadlay xarunta wasaaradda, ayaa sheegay in imtixaanka Shahaadiga ahi uu Dalka ka bilaabmi doono 17-ka bishan June.