Gudoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland ee Solla Oo Fariin u Diray Garyaqaanada Ururka.

Ku Socota Dhammaan Garyaqaanada Kala Duwan ee Bahwadaagta ku ah Ururka Qareenada Somaliland ee Solla.

 

Gudoomiyaha Ururka Qaraanada Somaliland Mudane Garyaqaan Xassan C.laahi Cawaale waxaa uu si xushmad leh ula socodsiinayaa garyaqaanada kala duwan ee somaliland ee ku bahoobay ururka qareenada jsl Solla, in wakhti xaadirkan dalkeenu uu ku jiro arrimo siyaasi ah oo la xidhiidha doorashooyinka qaranka, sidaas darteed mudaneyaal khilaafka siyaasiga ah waxa uu dadkeena ku hayaa werwer badan oo in xal laga Gaadhaana ay muhiim tahay, sidaas darteed. Waxaan idinku boorinayaa in aydaan ku milmin wax kastoo khilaafka sii hurinaya in aad ka feejignaataan, islamarkaana aynu marwalba ka dheeraano wax kasta oo sii hurin kara arrimaha taagan, anigoo og in bahweynta ururka qareenada somaliland yihiin laf dhabarta arrimaha sharci ee dalka door laxaad lehna ka qaataan muranada sharci ee hadba dalka laysku maandhaafo, waxaa uu ururku marka loo baahdo uu soosari doonaa wixii talo sharci iyo soo jeedin ah ee la xidhiidha masiirka qaranka iyo arrimaha lagu muransan yahay, sidaas darteed waxaan si qadarin leh iidinka codsanayaaa in aynaan inagu sabab marnaba u noqon wax kasta oo abuuri kara khilaaf.

 

Wa Bilaahi Tawfiiq

Gudoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland SOLLA

Garyaqaan Xassan C.laahi Cawaale.

Exit mobile version