Allah ha u naxariistee Eng Mustafe Saleebaan oo Lagu Aasay Hargeysa

Eng Mustafe Saleebaan oo shalay ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, ayaa maanta aas ballaadhan loogu sameeyey Hargeysa isaga iyo wiil kale oo ay saaxiib ahaayeen oo shilkaas ku wada geeriyooday.

Mustafe Saleebaan ayaa ka mid ahaa Mulkiileyaasha Youtube-ka caanka ah ee Waqal Studio oo soo saara muuqaallada madadaallada iyo heesaha isugu jira.

Exit mobile version