Qaybo Ka MidaJaalidda Somaliland ee Belgium Oo Deeq Daawooyin Ah ku Wareejiyey Ciidanka Qaranka

Hargeysa (GNN)- Qaar ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee ku nool Dalka Belgium-ka, ayaa deeq Daawooyin ah soo gaadhsiiyey Cusbitaalka Ciidanka Qaranka ee Birjeex ee Magaalada Hargeysa.

Deeqdan daawooyinka ah oo laba qaybood ka kooban, ayaa loogu tala-galay Cusbitaallada Ciidanka Qaranka ee Hargeysa iyo Oog, waxa Cusbitaalka Birjeex iyo taliska Guud ee Ciidanka Qaranka ku wareejiyey Xamse oo ka wakiil ah jaaliyadda Somaliland ee dalka Belgium.

Agaasimaha Cusbitaalka Ciidanka Qaranka ee Birjeex Gaashaanle Dhexe Dr Asad Cabdi Axmed oo qaybta hore ee deeqda la wareegay, ayaa jaaliyadda dalka Belgium uga Mahad-celiyey daawooyinka la soo gaadhsiiyey Ciidanka Qaranka, waxaanu boorriyey inay joogteeyaan deeqaha noocan ah oo uu xusay in baahi weyn loo qabo.

Qaybta labaad ee deeqdan Daawooyinka ah oo loogu tala-galay cusbibitaalka Oog waxa la wareegay Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka ee Hargeysa.

Mid kamid ah saraakiisha Ciidanka Qaranka ee Taliska Guud, ayaa uga Mahad-celiyey Qurebejoogga Belgium deeqda Daawooyinka ah oo uu ku tilmaamay tallaabo ku-dayasho mudan isla markaana dhiirrigelin u ah Ciidanka Qaranka.

Qurbejoogga Somaliland ee ku nool dalalka Europe, Woqooyiga America, Bariga Dhexe iyo Australia, ayaa si joogto ah u garab-taagan Ciidanka Qaranka, waxaanay soo gaadhsiiyaan deeqo isugu jira Daawooyin iyo Agab kale oo muhiim ah.

Exit mobile version