Somaliland: Guddoomiye La Baafinayo

Guddiga Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa maanta shir ku yeeshay Xarunta Ururka ee magaalada Hargeysa, waxaanay sheegeen inay ka arrinsanayeen hawlaha u yaal iyo diyaarinta Shirweynaha SOLJA oo ku beegan dhammaadka bisha December 2023-ka, balse waxay Nasiib-darro ku tilmaameen in Guddoomiyaha Ururku diiday inuu Guddiga la fadhiisto.

Xubnaha Guddiga Ururka SOLJA ee maanta fadhiistay oo ahaa 9 Xubnood ka tirsan 15 ka Xubnood ee Guddiga Ururka, waxa markii kulanka ay ka soo baxeen Warbaahintu wax ka waydiisay waxa uu ku saabsanaa kulankoodan aan Guddoomiyaha SOLJA ka dhexmuuqan, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Ururka Sakariye Axmed Muxumed diiday inuu yimaaddo kulanka ay Guddigu codsatay.

Exit mobile version