Ugaaska Beesha Cabdalla abokor oo Dhalinyarta Aqoonyahanka Beeshiisa Ka Dajiyey Xisbiga Waddani.

Ugaaska Beesha Cabdalla abokor oo Dhalinyarta Aqoonyahanka Beeshiisa Ka Dajiyey Xisbiga Waddani.

Hargeisa(GNN):-Nuxurka War qoraal ah oo ugaasku ku baahiyey bartiisa facebook ayuu ku cadeeyey in dhaliyartaasi ka fikireen mustaqbalkooda dajiyeena rug doog leh.

Arrina ayaa ka danbeysay dadaal ugaaska beeshu bilihii ugu dabeeyey kulamo iyo shirar kula lahaa dhalinyarta reerka sidii ay uga fikiri lahaayeen mustaqbalkooda.

Warka ugaasku ku baahiyey Bartiisa facebook ayaa u dhignaa sidan.

Hirdoogle ayaad Sahan-sateen

 

Habeenimadi xalay 24/01/2024

 

Runtii sharaf bay noo ahayd anago hogaaminaya Haldoorka dhalinyarada , dhaman bahda siyaasada deegaankayga Allaybaday ee nagu Matala Xisbiga Wadani Ayaa waxaanu la kulanay Murashaxa Madaxwayne Ee xisbiga wadani

 

Mudane Clraxmaan Mohamed Abdilahi ( Cirro )

 

Kulanku wuxu daarana Is xog waraysi Guud Siibahan Baahiyaha Ay xukuumada Ina biixi ka hagratay Deegaamada Allaybaday iyo wixii hoos yimaada oo dhan sida Biyaha , laydhka , Waxbarashada Iyo dhaman Wixi baahiyo ah ee deganku qabo Alhamdulilah Waanu isku afgaranay Insha allah Marka Uu Jagada Madaxwayne ku guulaysto Dhaman wixi Baahiyo ah U ka haqab tiro Degamadaa Oo dhan

 

Kulama danbaanu ubalanay Wanay sii socon doonan Heshiisyadu.

Exit mobile version